WAR DEG DEG AH: Gaadiidkii Weftiga Madaxweynaha oo Shil galay,Wasiiro dhaawacmay oo Kooma ku Jira iyo Qof dhintay
Hargaysa 20.March 2014 (SDN)–Wasiirada Warfaafinta Mudane C/laahi Maxamed Daahir Cukuse,Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye,Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul,iyo Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh.Cali Ayaale oo la Socday Weftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland ee Kormeerka ku marayay Gobolada dalka ayaa Saaka Shil ku galay Deegaanka Laalays ee Gobolka Saaxil isla markaana uu dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen.
Warku Waxa uu Intaas ku darayaa in Shilkani uu ka dhashay kadib markii ay Isku dhaceen Gaadiidkani Waxaa kale oo Geeriyooday Mid ka Mid ah Cuqaasha Gobolka Saaxil oo aan Weli Magaciis helin.
Wasiirka Warfaafinta C.laahi Cukuse,Afhayeenka Madaxtooyada Dhuxul,Xildhibaan Axmed Yasiin Sh.Cali Ayaanle ayaa warku sheegayaa inay Dhaawacyo Jabnin ahi soo gaadheen halka Wasiirka Caafimadka iyo Warfaafintu ay ku Jiraan Xaalad Miyir doorsoom ah.
Xubnaha Wasiirada iyo Mas’uuliyiinta kale ee Shilkan ku dhaawacmay ayaa loo soo Wadaa dhinaca Caasimada Hargaysa.
Wixii War ah ee Ka soo Kordha Shilkan kala soco Shabakada Qurbejoog.com
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com