War deg deg ah: Ciidamadda ammaanka oo gacanta ku dhigay ciddii ka dambaysay dhaawacii Guddoomiye Duraan
Hargeysa, 26, June 2012 (Qurbejoog)- Ciidamada ammaanka ayaa maanta lagu wareejiyay ciddii ka dambaysay toogashadii lagu dhaawacay guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Cabdirashiid Duraan bishan gudaheeda, kaasoo dhaawicii ka soo gaadhay toogashadaas ilaa hadda u jiifa cusbitaal ku yaalla magaalada Jabuuti.
Odayaasha beesha uu ka soo jeedo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Maroodi-jeex Axmed Xaaji Cabdilaahi Xamarje ayaa sida ay Qurbejoog.com u xaqiijiyeen ilo xogo-gaal ahi waxay ciidamada ammaanka u gudbiyeen shaqsigii ka dambeeyay dhaawacaas loo gaystay Guddoomiyihii maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, kaasoo sida ay wararku sheegayaan isagu qirtay inuu ka dambeeyay dhacdadaas.
Maxkamadda ayaa la filayaa inay dhegaysato dacwada halkan qof oo ka mid ah ehelada Guddoomiyihii hore ee Gobolka Maroodi-jeex iyo xubno kale oo la sheegay inay kula jireen falkaas.
Qurbejoog.com, Hargeisa