War Deg Deg ah: Ciidamada RRU oo Saaka la Wareegay Xawaalada Juba Xarunteedii Caasimada
Hargaysa 11.June 2014 (SDN/QJ)- Ciidanka la dagaalanka Argagixisada ee RRU ayaa Saaka la Wareegay Xarunta Xawaalada Juba ee Caasimada Hargaysa.
Waxaa Gebi ahaanba Joogsaday Hawshii Maalinlaha ahayd ee Xawaaladani u fidin Jirtay Bulshada Sidoo kale Waxay Ciidanku diideen in dadku galaan Xawaalada Juba halka sidoo kalena ay Hor joogsadeen dadkii ku Jiray Gudaha Xaruntu inay dibada u soo Baxaan.
Dadka ku dhaqan Caasimada ayay la Yaab ku noqotay Talaabadan ay Ciidanka RRU kula Wareegeen Xawaalada Jubba ilaa Hadana lama oga Sababta rasmiga ah ee ka danbaysa Ujeedada loo xanibay hawl maalmeedkii iyo Shaqaalihii Xawaaladaas.
Wixii Warar ah ee ka soo kordha kala soco Qurbejoog.com
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com