WAR DEG DEG AH: Cali Khaliif oo Magacaabay Golihiisii Wasiiradda,Iyo Wasiirul dawlihii Hore ee Nabadaynta G.Bari ee Somaliland oo uu ka dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha+Sawirka Caawa
Toga Eerigo 14.Sep 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha maamul goboleedka Khaatumo, Prof. Cali Kahaliif Gallayr ayaa maanta oo Axad ah magacaabay xubno ka tirsan golihiisa wasiirrda.
Wareegto maanta ka soo baxday xafiiska madaxweyne Galayr ayaa lagu magacaabay toddoba wasiir iyo hal wasiiru-dowle oo ka tirsanaan doona golaha cusub ee wasiirrada maamulka.
Xubnaha loo magacaabay in ay wasiirro ka noqdaan maamulka Khaatumo ayaa kala ah:
1. Maxamed Cali Cartan, oo loo magacaabay wasiirka arrimaha dastuurka iyo federaalka,
2. Mukhtaar Ciise Faarax, oo loo magacaabay wasiirka macdanta iyo biyaha,
3. Xasan Muuse Cawl oo loo magacaabay wasiirka maaliyadda,
4. Axmed Gacmo Yare oo loo magacaabay wasiirka warfaafinta,
5. Kayse Cabdi Yusuuf oo loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta,
6. Faarax Cadde Faarax oo loo magacaabay wasiirka arrrimaha bulshada,
7. Ismaaciil Axmed Cali oo loo magacaabay wasiirka amniga, iyo
8. Ibraahim Guure oo loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda xannaanada xoolaha.
Lama shaacin tirada rasmiga ah ee uu ka koobnaan doono goluhu, hase yeeshee wararka laga helayo maamulka ayaa tilmaamaya in la magacaabi doono xubno kale, si loo dhammays tiro golaha wasiirrada maamulka.
Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Prof, Cali Khaliif Gallayr oo madaxweynaha maamulka Khaatumo loo doortay 14-kii August ee sannadkan ayaa ku howlan dhammaystirka hay’adaha maamulka.
Prof Galaydh ayaa Ilaa iminka aan lahayn Deegaan rasmi ah oo Maamulkiisi ka taliyo iyadoo Tuulada Saax dheer oo Mudaba u ahayd Fadhiisin ay ka baacsadeen Ciidanka Qaranka Somaliland Xiligaas oo uu firxad ku galay Dhanka Xuduuda Itoobiya.
Dhanka kale Sawir Gacmeed laga sameeyay Prof Galaydh ayaa Muujiaya isagoo God ku jira halkaasna ka soo Fulinaya awaamiirtiisa.
Toga Eerigo SDN/QJ
contact@qurbejoog.com