War Cusub: Xogo Iftiimiyey In Madaxweyne Xasan Sheekh Aqalkiisa Dhexdiisa Lagu Sumeeyey Xilliyadii Turkiga Loo Qaaday
Muqdisho:24-March-2014(SDN)-Waxa wali si Tartiib tartiib ah u soo Baxaya Xaqiiqda Sababihii uu Madaxweyne Xasan uu Bilo ka Hor Sababo Caafimaad ugu Tago Dalka Turkiga, balse uu Markii dambe Inkiray ama Diiday.
Ilow ku dhow dhow Adeegyaasha gaarka ah ee Xassan sh ayaa soo Gaadhsiiyey Qaar ka mid ah warbaahinta in Madaxweyne Xassan uu dhibaato aanu filaynin uu kala Kulmay Qaar ka mid ah qaraabadiisa oo Xaruntiisa kula nool.
Ilo Wareedyadaas La Helay ayaa Xaqiijiyey in Sababta Keentay in Madaxweynaha Si Kedis ah Turkiga loogu qaadaa ay ahayd in Sun si Kedis ah loogu Daray Casho Gurigiisa Loogu Keenay, taas oo Keentay inuu madaxweynuhu si Xoog ah u xanuunsado, islamarkaana la Garan waayo wax haya.
Subixii isla maalintaas ayaa la sheegay in Madaxeyanaha uu isku arkay dhidid farabadan iyo daal aan micno ku dhisnayn waxaana madaxtooyada loogu wacay dhaqaatiir caafimaad oo soomaaliya iyo Ajanabi isugu jira ,waxaana baadhis kooban kadib ay dhaqaatiirta u sheegeen in Madaxweynaha Jidhkiisa uu ku jiro Sun la qaadsiiyay.
10kii February ee 2014ka maalin kadib markii Cuntada Sunta logu daray Waxaa Madaxtooyada ka dhashay khalkhal taasi oo shaqaalaha qaar gaar’ ahaan kuwii xiligaasi u xilsaarnaa cuntada madaxda Baadhitaan lagu sameeyay kadibna qaarkooda shaqaada la joojiyay sida warka aynu ku helay.
Diyaarad Gaar ah oo si deg deg ah logu soo diray Madaxweynaha ayaa isla galabtaasi casir xigeen ah u qaaday isbitaal ku yaala dalka Turkiga si looga soo dhaqo Suntaasi.
la taliyaha Madaxweynaha Ing.Yariisow oo markii madaxweynaha gaadhay dalka Turkiga u soo diray fariin ayaa laga dalbaday in arinta Sumeynta Madaxweynaha aysan dhaafin Madaxtooyada uuna xalin doono markii uu soo laabto.
Kadib markii Dhaqaatiirta caafimaadka ee dalka Turkiga ay ku guulaysteen in ay sunti ka soo saaraan jidhka Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa caafimaadka loo badalay qaraabo salaan iyo booqasho aan siyaasad iyo caafimaad xumo la xidhiidhin.
Warbaahinta Soomalida ayaa daabacay war ah in xaaladda caafimaad ee xassan sh ay tahay mid liidata oo aan rajo laga qabin ,walwoba ay qaarkood baahiyeen in uu geeryooday.
Warkaasi ayaa horseeday in saraakiil ciidan iyo shaqaale rayid ah oo madaxtooyada ka shaqeynayay habeen madow shaqada laga joojiya ,qaarkoodna xabsiga la dhigay.
Xogtan oo ayaa ayaa intaasi ku daraysa in Qoys ahaan lafta uu madaxweynaha ka soo jeedo ay ka dambeysay shilkaasi iyagoo ka xumaa sida la sheegay lacago loogu balanqaaday markii ololaha uu ku jiray Xassan sheekh in lagaga baxay iyo arimo kale oo la xidhiidha qoyskaasi oo uu madaxweynaha ka soo jeedo.
Source:warwade
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com