|

War Culus:Dawladda Xasan Sheekh Oo Keensatay Qalab Lagu Dhegaysanayo Telefoonada Lagu Isticmaalo Xuduudda Somaliweyntii Hore iyo Madaxda Iyo Shacabka Somaliland Oo Ku Jira Cidda Dhaqdhaqaaqooda lala Socon Doono

Muqdisho:June,09,2014(SDN/QJ)-Waxa soo Baxaya Warar cad oo tilmaamaya in Dawladda Federalka Somalia ay  muddo badan kadib gacanta ku dhigtay Agab ama Qalab suurtagelinaya in la dhegaysto Telefoonada Dadka shacabka ah.

celpAgabkan ayaa sida la sheegayo waxa Gacanta loo geliyey Ciidamada Sirdoonka Somalia, kuwaas oo muddo yar kadib awoodi doona dhegaysiga Telefoonada Shacabka somaliyeed.

Arrintan ayey Dawladda Somalia suurtalnimadeeda dedaal dheer u gashay, maadaama ay caasimadda Muqdisho ku Bateen Weerrarada kooxaha Dawladda ka soo horjeedaa qaadayaan, kuwaas oo intooda badan cidda gacanta ku Haysa iyo cida Awaamiirta Bixinaysaa ku xidhiidhaan Khadka Telefoonka.

Ra’isal wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa Sabtidii dhaweyd xildhibaanada baarlamaanka u sheegay in dowladdu ay heshay qalab ay ku dhageysan karto kulana socon karto isgaadhsiinta gudaha gaar ahaan wada hadalka taleefoonada iyo fariimaha ay ku wada xidhiidhayaan  kooxaha dagaalka kula jira dowladda.

Wuxuu raysal wasaaraha sheegay xildhibaanada in ka dib weerarkii Alshabaab ku qaaday xarunta baarlamaanka ee magaalada Muqdisho, hay’adaha amaanka ay bilaabeen hababka looga hortagayo weerarada Al-shabaab ay ku soo wadaan magaalooyinka kala duwan ee dalka, iyadoo lala soconayo wada hadalka iyo fariimaha ay isdhaafsanayaan maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha soo diyaariya weerarada qaraxyada ah.

Hadalka Raysal wasaaraha ayaa soo ifbixiyey tuhun ay horeyba dadweynuhu u qabeen oo ahaa in shirkadaha gaarka ee adeegyada taleefoonada bixiya la dhageysto oo lala socdo wada sheekeysiga gaarka ah ee dadweynaha, inkastoo uu Ra’isul wasaaruhu sheegay in qalabkan ay hadda heleen aan loo ogoleyn ilaa baarlamaanku ansixiyo sharciga waxa uu ugu yeedhay la dagaalanka argagixisada mana aanu sheegin halka ay ka heleen qalabkan.

Balse ilo ku dhow dawlada ayaa sheegay in lacagta qalabkaasi  ay bixisay dawlada Emaratka carabta lagana soo iibiyay dalka Maraykanka,Tobobarkana ay bixinayaan khuburo ka socda CIA dalkaasi Maraykanka xafiiskooga ku yaala Somaliya.

Qalabakani ayaa waliba la sheegayaa in lagu dhagaysan karo dhamaan gudaha wixii la isku odhan jirey  Soomaliya oo dhan,waxaana suurta gal ah in ay saamayn ku yeelatao siyaasiyiinta,Maamulada iyo kooxaha dagaalka kula jira dawlada Somaliya oo la ogaan doono halka iyo qorshaha ay maleegayaan.

Dhegaysigan Dawladda Somalia ee Telefoonada ayaa la sheegayaa inay qorshaha ugu jiraan inay dhegaystaan Kuwa  shacabka reer Somaliland iyo Maamulkoodaba, maadaama qalabkani kaliya aanu ka shaqayn karayn wixii ka baxsan Xuduudii hore ee Somalia oo dawladaha Ethiopia Kenya iyo Djibouti oo somaliyi joogto aanu  ugudbi Karin.

Arrinta kale ee fududaynaysa in Shacabka reer Somaliland si Fudud loo dhegasto  ayaa wax aka mid  ah in shirkadaha isgaadhsiinta eek a Hawlgala Somalia, Somaliland iyo Puntland intooda Badani ay yihiin kuwo meel kaliya laga leeyahay oo khadkooda wax badani iskaga xidhan yihiin ama isu furan oo   dadka isticmaalaa wada Xidhiidhi karaan.

Arrintan ayaa ah Halis cusub oo ku soo koradhay dadka shacabka ah, gaar ahaan kuwa ku  nool Somaliland iyo Madaxtooda, mana muuqata wax awood ah oo dawladda Somaliland kaga hortagi karto dhegaysiga Telefoonadeeda ee Muqdisho laga Higelinayo.

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Xigasho: Boramanews.

Comments are closed