Waqtigu waa macallin dahsoon, Ma xasuusataa barigii……… W/Q Mahad Hargeisawi
Sidan miyey kula tahay? Side ayey ahaan lhayd hadii aanay jirin is baddelka habeenkii iyo maalintii, oo lagu jir lahaa uun habeen ama maalin? Waynu naqaanaa sida wax loo cuno laakiin waxaa inaga huruda oo aanaynu toosinin firfircoonidii iyo kartidii aynu ku soo barbaarney (Creativity) waxaan halkan rabaa inaan kuugu soo tabiyo hogo tusaaleeyana, sidii aynu ahaan jirney iyo sidaynu nahay hadda, kolley Adiga iyo aniguba isku si ayeynu u soo barbaarney waqtiga iyo waayuhuna marba waa si ee siduu noqon hadhow?
Inyar dib iila noqo, maalmihii hore ee ina soo dhaafay, waxaan u jeedaa waqtigii caruurnimadii. Ma xasuusataa, waxa aynu ku ciyaari jirney ciida(dhoobada) oo aynu gacmaheena kolba nooc ugu qaabayn jirney oo aynu wax ka samayn jirney! Waxaynu samayn jirney gaadhi daasadoole oo aynu ku kaxayn jirney bir ama ul dheer oo wadooyinka aynu eryi jirney, hadda kuwa samayn jirney waa innaga!
Halyey ayaad ahayd waqtigaas imikana aad tahay, oo xataa wax cusub uun maynu samayn jirine waxyaabaha samaysan ayeynu isku dayi jirney inaynu dib u qaabayno oo caagadaha Ayaan dhalaalin jirney kadibna qaabab u samayn jirney.
Waxa aanad ilaabayn sidii aynu dhirta u kori jirney ee aynu ugu ciyaari jirney Karate-ka ama Japan-ta aynu u naqaanay, ee aynu laamaha sida daayeerka iska laa-laadin jirney.
Waqtigu waayo badanaa, Malaha imika maskaxdaada waxaa ku soo dhacaya heeso, gabayo ama buugaag ka sheekaynaya creative-nimada, Mise Baranboori ayaabad sees saartey tolow oo aad ka fekeraysaa sidaad looxaanta iyo tire-radiisa iskugu keen keeni jirtey?
Waxaas oodhan ka kaalay Imika dib inoo soo celi waqti xaadirkan aynu joogno, horta su’aal aan ku waydiiyo Akhriste waa intaas oo aad ogaataa inay firfircoonidii aynu lahaan jirney soo jeedo ama ay hurudee, Ka soo qaad in lagu yidhi waxaa laguu samaynayaa Il saddexaad manta/caawa ee halkee ayaad jeclaan lahayd in jidhkaaga lagaga sameeyo? Bal hadda ka feker, waynu u soo noqon jawaabtaadee,
“Alleh ayaa quraanka inoogu sheegay inaynu u fiirfiirsanno makhluuqaadkiisa si aynu waxbadan u ogaano” waa run oo hore waadigaa uga soo fekeray Hadii aanu habeen jirin oo maalin uun lagu jiri lahaa ilal abad iyo hadii ay ahaan lahayd taas caksigeedaba, meel dheer ayaad wax ka eegtey sidaan qabo.
Dhaq-dhaqaaqii, firfirconidii iyo creative-nimadii may lumin ee waynu isticmaali waynay uun, Ha I odhan waqtigaas caruurnimada qof yar Ayaan ahaa oo waan iska xaraabaysayey. Dariiqa yarna wadada wayn ayuu kugu ridaa, laakiin creative-nimadii iyo awoodihii aad lahayd wali waad haysataa oo waadigan isticmaalaya imika, oo waxaad ka fekeraysaa halka aad jeclaan lahayd inaad ku lahaato Isha saddexaad ee laguu samaynayo! Miyaaney ahayn?
Dad-ka waaweyn waxay su’aashaa kaga jawaabi karaan iney isha ku lahaadaan oo loogu sameeyo madaxa xagiisa dambe si ay u arkaan waxa gadaal ka dhacaya una dareemaan Ammaan, caruurtuna waxa ay ku jawaabi kartaa inay jeclaan lahaayeen in Isha saddexaad loogu sameeyo faraha hore si dhinacyada (corners) iyo godadka ugu khaawisaan!
Yaanan waqti badan kaa qaadan, talooyin iyo tusaaloyinba waynu u baahannahay si aynu u isticmaalno awoodaheena gudhaya, qofka wax abuuri karaana waa adiga oo Awoodii iyo firfircoonidiiba dib u soo irmaanayn karaa, Hiil ayaad u baahantey hiilkuna waa caqligi lagugu soo barbaariyey ee Active-ka ahaa…
Waxaana meesha ka maqneyn inaynu toosinno oo aynu hurdada si dhab ah uga kicinno Awoodaheena aynaan isticmaalin ee caajisay.
Ugu dambayntiina qoraalkan oo intan ka sii dheer qodobo aynu adeegsan karnona leh wuu inoo soo socdaa waanan soo wadaa, waxaa inala gudboon inaynu badino isticmaalka wax wal oo aynu jecelnahay si aynu nolol qaab leh ugu noolaano, talooyinkiina aniga ahaan igu wajahanna waa loo baahan yahay waanan soo dhaweynayaa.
Mahad J. Mohamoud Guleid.
Malaysia.