Walaalka La Dhashay Orodyahan Mo Farax Oo Tuugonimo Lagu Eedeeyey, Xabsigana La Dhigay
London:Aug,18,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayso warbaahinta Dalka Brtain, waxa xabsiga la dhigay Wiil ay walaalo yihiin orodyahanka soomaaliyeed ee Mo Farax, kaas oo lagu eedeeyey inuu gacan-dhaaf sameeyey.
Warbixin lagu qoray Wargeyska The Daily Mirror ee ka soo baxa magaalladda London ayaa lagu sheegay in Orodyahanka caanka ee Mo Farah walaalkiis oo lagu magacaabo Omar farx la dhigay Xabsiga ugu weyn dalka Britain oo ku yaalla K/galbeed ee magaalladda London.
Omar Farah Mukhtaar oo 21-jir ah oo dalka Britain ku sugan 19-bilood oo keliya ayaa lagu eedeeyey inuu jabsaday guri ku yaalla Degmadda Brentford ee Galbeedka magaalladda London.
Eedeysanahaasi ayaa lagu sii hayn doonaan Xabsiga Wandsworth, tan iyo bisha September ee soo socota 8-deeda, xilligaasi oo la soo taagi doono Maxkamadda Thames Crown ee London.
Xadhigiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo uu Walaalkiisa Orodyahan Mo Farah dhawaan ku guuleystay Tartanka Orodka ee 10,000 mitir ee Horyaalka Europe.
SDN/QJ