|

Walaahi Inaan Sidan Lagu Joogayn Oo Halkani(Berbera) Dib U xorayn Bay U Baahan tahaye Ku Talo Gala.” Mujaahid Ibraahim Dhegoweyne.

Berbera:12-Oct-2013(SDN)-Afhayeenka madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka Ibraahim Xuseen Dhegoweyne ayaa tilmaamay inay Magaalada Berbera u baahan tahay Dib  u Xorayn lagaga gilgilanayo tallaabooyinka ay xukuumaddu ka waddo halkaas, waxana uu sheegay inay dib u dhac badan tirsanayaan shacabka Magaaldaas ku nooli.

dhegoMujaahid Ibraahim Dhegoweyne oo ka  ha dadlayey soo dhaweyn Maalintii shalay magaalada Berbera loogu sameeyey musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Magaalada Berbera lagu sameeyo Dib u Xorayn kale, “ama jimce ha ahaato ama maalin kale ha ahaatee Magaaladani dib u xorayn Bay u haaban oo wallaahi inaan sidan lagu joogayn, meel dadka la mid ahna way noqonaysaa, halkanna dib baa loo xoraynayaaye taa ku talo gala.” Ayuu yidhi mujaahid ibraahim dhegoweyne oo la hadlayey shacab badan oo aqoonyahan Jamaal soo dhaweynayey.

Hadalkan ka soo yeedhay mujaahid ibraahim dhegoweyne, ayaa ku soo beegmaya xilli ay xukuumaddu ku hafatay  jawaab siinta mucaaridkeeda soo faqa dhaliilaha ay leedahay, waxana la filayaa in dhawaan la arko wasiirro iyo  masuuliyiin kale oo tartan ugu jira inay u jawaabaan mujaahid ibraahim dhegoweyne.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed