Wakiilka QM oo Garoowe u tegay khilaafka doorashooyinka
Garoowe November 11, 2023 (QJ) -Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga madaxtooyada Garoowe kula kulmay wafdi ay hoggaaminayso ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Liang.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo sidii Puntland ay gacan uga geysan lahayd arrimaha muhiimka ah ee qaranka.
Madaxweyne Deni iyo Catriona Liang ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimo la xiriira doorashada Puntland iyo sidii loo heli lahaa doorasho nabad iyo dimoqraadi ah. Wakiilada mucaaradka Puntland ayaa sidoo kale Garoowe kula kulmay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen maanta dallada mucaaradka Puntland ayaa lagu sheegay inay la kulmeen Catriona Laing oo ay ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in Puntland ay ka dhacdo doorasho hufan oo nabad ah.
Maamul goboleedka Puntland iyo mucaaradka ayaa isku khilaafay doorashada 2024-ka ee soo socota.