Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya oo sheegay in ay siiwadayaan taageerida Soomaaliya
Muqdisho Jan 07 2013 (SDN)— Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mahamat Annadif ayaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo dowladiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hanbalyeeyay munaasabada 41 sanad guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay ciidamada Hay’ada Sirdoonka Soomaaliya iyo dib u furitaanka xarunta hay’ada sirdoonka Soomaaliya.
Waxuu sheegay Erayga gaarka ah ee Midowga Africa Ambassador Mahamat Annadif in tani ay muujineyso sida wacan ee guusha looga gaaray hormarka dalka iyo Howlgalka ay wadaan ciidamada isgaransanaya ee AMISOM iyo ciidamada dowlada Soomaaliya,isagoona hoosta ka xariiqay in wax lagu farxo ay tahay talaabada ay qaadeen ciidamada sirdoonka dowlada oo iyagu uu sheegay in qeyb weyn ay ka qaateen dib u dhiska wadanka iyo ilaalinta nabada xasiloonida.
Hay’ada sirdoonka iyo ciidamada amaanka Soomaaliya waxa ay door muhiim ah ka qaadeen dagaalka lagula jiro Argagixisada,waxana dadaalka ay sameeyeen laga dheeha karaa xaalada dalka ka jira,sidaasi daraateed waxaan rajeynayaa in AMISOM ay sii wato caawinta dowlada Soomaaliya,sidaasi waxaa sheegay Ambassador Mahamat Annadif.
Ugu danbeyntii Ergayga gaarka midowgaAfricau qaabilsan Soomaaliya aya shaaca ka qaaday in ay sameyn doonaan wax waliba ay ku raadin karaan nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya.
SDN-Muqdisho