|

Wakiilada oo Dhaliilay Baarlamaanka Soomaaliya

Hargeisa January 07, 2023 (QJ) – Golaha Wakiilada Somaliland ayaa War-saxaafadeed ay manta soo saareen ku dhaliilay Guddi uu dhawaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe u xil-saaray qalalaasaha todobaadyadii u danbeeyay xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood.

Gollaha Wakiilada Somaliland ayaa Qoraalka ay soo saareen ku sheegay in Guddi ka socda Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya aysan aheyn inay faro geliyaan gudaha Somaliland, baarisna kusoo sameeyaan xaaladda Laascaanood.
Gollaha Wakiilada Somaliland ayaa daan-daansi iyo duullaan lagu soo qaaday qaranimada Somaliland ku tilmaamay Guddiga uu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe u magacaabay inay Warbixin kasoo diyaariyaan dhibaatada Laascaanood ka jirta.

Qoraalka Wakiilada Somaliland ayaa waxa uu soo baxay xili aanu fadhiyin gollahaasi isla markaana uu soo saaray uun Guddoomiye ku-xigeenka Siciid Mire Faarax, halka Guddida Baarlamaanka Soomaaliya u saaray xaalada Laascaanood uu ahaa mid Baarlamaanku isla qaatay.

Comments are closed