Wakaalada Biyaha Berbera Oo Qasan, Laba Maareeye Oo Xilka Wada Haya, Doorka Maayar Cidin Ee Mixnaddan + Muran ka dhex Istaadhmay Dawladda Hoose Iyo Wasaaradda Biyaha
Berbera 04.Novembar 2016 (SDN/QJ):-Xaalad fahamkeedu uu ku adkaaday Shacabka reer Berbera ayaa ka taagan Wakaaladda Biyaha Hargeysa,waxaanay Xukuumadda Somaliland mudo laba bilood gudahood iskaga daba Magacawday Saddex Maareeye kuwaasi oo aanay wali xilkii lakala wareegin labadii u dambeeyay kadib markii ay soo dhex gashay Dawlada Hoose ee Berbera oo ku doodaysa inay gabi ahaanba masuuliyada iyo la xisaabtan Wakaalada biyaha ay iyagu leeyihiin.
Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo wargeyska Foore ka helay Magaalada Berbera ayaa shaaca ka qaaday in Maareeyihii u dambeeyay ee Wasaaradda Biyaha Somaliland u magacawday Wakaalada Biyaha Berbera oo lagu magacaabo Khadar Maxmamed Caalim aanu wali xilkaasi la Wareegin islamarkaana waxa ay wararku sheegayaan in isla Maareeye kale oo isaga ka horeeyay uu iskaga tanaasulay kadib markii uu u diiday inuu xilka ku wareejiyo Keyd Cabdilaahi Xandule oo awood badan ka haysta Maayarka Golaha Deegaanka Berbera Cabdishakur Cidin, kaasi oo la dul geeyay laba maareeye balse aani xilkaasi wareejin,Waxaana sida la sheegayo magacaabista iyo xilka qaadista maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera Sharcinimadeeda isku haysta Dawlada Hoose ee Berbera iyo Wasaaradda Biyaha Somaliland.
Duqa Magaaladda Berebra,Ahna Maayarka Golaha Deegaanka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin ayaa Shir u qabtay shalay qaar ka tirsan Shacabka reer Berbera islamarkaana ka dalbaday inay ku taageeraan go’aanka uu isku hoos keenay Masuuliyadda Wakaaladda Biyaha Berbera. Maayarka Golaha Deegaanka Berbera ayaa hortaagan Masuuliyiinta ay Wasaaradda biyuhu u magacawday Wakaaladda Berbera,waxaana soo baxaya inay Wasaaradda Biyaha iyo Dawlada Hoose ee Berberi isku haystaan awooda sharcinimo cida u leh Magacaabista Cida loo qabanaysa Xilka Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera,Mana jirto go’aan xaga Xukuumadda ka soo baxay oo runta ukala sheegaya.