|

Wafuud ka socota Hay’adaha Samafalka Qaramada Midoobay oo maanta booqday Magaalada Baladweyne, Hiiraan

Muqdisho Jan 21 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa waxa uu gaaray Magaaladaasi, isagoo halkaasi kula kulmay mas’uuliyinta gobolkaasi. 

Wafdiga Qaramada Midoobay ka socday oo ka koobnaa hay’addaha OCHA iyo WFP ee qaabilsan hormarinta iyo Cunada ayaa gaaray Baladweyne barqanimadii saakay. 

Markii wafdiga uu gaaray Magaalada Baladweyne ayaa waxa ay halkaasi kula kulmeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Hiiraan oo ay ka wada hadleen arrimaha gobolka qaasatan dhibaatooyinka heysta dadka halkaasi ku nool. 

Wadiga ka socday OCHA iyo WFP ayaa weydiiyay mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan sida ugu suurtagalsan ee dadka ku nool gobolkaasi gargar aadminimo loogaarisinkaro, waxana ay maamulku u sharxeen siyabaaba ay suurtagal ku noqon karto howshaas. 

Mas’uuliyiin maamulka gobolka Hiiraan ayaa u sheegay mas’uuliyintaasi ka socotay Qaramada Midoobay in Amaanka uu wanagaasan yahay iyagoo dhankooda qiray in Amaanku uu soo hagaagayo. 

Mudooyinkii danbe ayaa halkaasi waxaa gaarayay Mas’uuliyin ka socda Qaramada Midoobay ilaa iyo hadana majiraan mashaariic wax loogu qabanayo dadka gobolka oo ay hay’adaha Q/M ka fuliyeen gobolkaasi.

SDN-Muqdisho

Comments are closed