Waftigii uu Hoggaaminayey wasiir waran-cadde oo Burco ku sugan iyo socdaal kale oo Turxaan Bixin ah oo u qorshaysan
Burco:Aug-2013-(SDN)-Waftigii ballaadhnaa ee uu hogaaminayey wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa haatan ku sugan Magaalada Burco ee Gobolka Taogdheer.
Waftiga oo muddo badan ku manqaa daminta iyo xal u helidda shaqaaqooyin kala dambeeyey oo ka taagnaa Deegaanada Bariga Somaliland, ayaa u jeedooyinkoodii guul ka soo gaadhay, waxana ay hadda ku talo jiraan inay u baxaan dhinaca deegaanka Wareebe oo muran la xidhiidha shidaal halkaas laga baadhayaa uu uu in muddo ahba ka taagnaa.
Waftigan oo dhinaca caasiamddana hawlo badani qabyo uga yihiin, ayaa wararka aanu ilaa iyo hadda ka helaynaa waxa ay sheegayaan inay taabulsho ugu jiraan inay gaadhaan deegaanka Waraabeeye oo dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Burco, halkaas oo in badan muran lagaga soo horjeedo shirkad shidaal baadhaysaa uu ka taagnaa.
Wasiir waran-cadde oo haatan ku soo guulaystay inuu beerkooda Burcad isu soo mariyo beelo dilal dhexdooda ka dhaceen, ayaa ay ka go’an tahay inaanu caasimadda ku soo noqonin illaa iyo inta uu soo dhamayayo meelaha muranku ka taagan yahay ee Somaliland ka mid ah gaar ahaan deegaanada dhinaca bari ee Somaliland oo dilalku aad ugu badan yihiin.
Wali si rasmi ah looma shaacin xilliga go’an ee waftigu deegaankaas waraabeeye u bixi doono, balse wararka aanu helayno ayaa sheegaya inay suurtogal tahay inay ilaa galabta u carraabaan si ay ilaa aroorta u Gudo galaan muranka halkaas ka taagan.
Somalidiasporannews.com
Contact@somalidiasporanews.com