|

Waftigii Daminta colaadda u joogay Deegaanka Oog oo maanta Si Rasmi ah u Gudo-galay Hawlahoodii shaqo

Oog:23-Aug-2013-9SDN0-Waftigii ballaadhnaa ee uu hogaaminayey wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa maanta Gudo-galay hawlahoodii shaqo ee la xidhiidhay daminta colaaddii labada Beelood ku dhex martay Deegaanka God-heeli.

gudahaSida ay sheegayaan wararka ka iminaya Deegaankaasi wasiirka iyo waftigan tirade badan ee uu hogaaminayo, ayaa maanta kulamo kala duwan la  yeeshay dhinacyadii ay dirirtu dhex martay, waxana ay ku hawllan yihiin sidii ay u damin lahaayeen shaqaaqadaas keentay dhimashada iyo dhaawaca.

Waftigan oo maantana ay ku biireen wufuud kale oo culus oo ka socda xukuumadda iyo waxgarad kale, ayaa  haatan u kala dabqaadaya dhinacyada xurguftu ka dhex aloosantay, waxana  ay ilaa haatan ku guulaysteen inay joojiyaan oo kala dhex galaan kooxihii is hor fadhiyey, ilaa iyo intii shalay ay goobta tageenna ma dhicin wax dhibaato ahi.

 

Waftigan ayaa sidoo kale haatan wada sidii ay labada dhinacba uga dhaarin lahaayeen waxgaradka taladu gacanta ugu jirto, iyadoo ilaa iyo haatanna xaaladdu aad u degen tahay.

Ilaa caawa ayaa laga yaabaa inay waftigu ka hadlaan waxyaabaha u qabsoomaya, maadaama ay illaa iyo xalay ku hawshaysnaayeen sidii ay labada dhinacba u arki lahaayeen, islamarkaana uga dhaadhicin lahaayeen sidii xaaladda halkaas loogu joojin lahaa nabaddan loo xoojin lahaa.

Wasiirka arrimaha Gudaha ayaa isagu amar ku siiyey ciidamada kala duwan ee aaggaas ku sugan inay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo isku dayda inay nabadda carqaladayso amaba ay ku arkaan iyadoo hubsidat, waxana uu carrabka ku dhuftay inay dawladdu dhulkeena nabadiisa sidii ay hagaajin lahayd ku hawllan tahay.

 

Somalidiasporanews.com

 

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed