Wafti uu Hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo Oo Goor Dhaweyd u Baqoolay Dalka Turgiga
Hargeysa:1-Oct-2013(SDN)-Wafti Kooban oo uu Hoggaaminayo Madxweynaha Somaliland ayaa safar shaqo ugu ambabaxay Dhinaca Dalka Turkiga.
Waftigan oo goor dhaweyd ka Duulay Gegida diyaaradaha ee Cigaal International Airport ayaa ka kooban Xubno Wasiirro ah oo madaxweynaha ku wehelinaya Safarkiisa, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Macdanta iyo Ganacsiga.
Madaxweynaha Somaliland oo intii aanu ka duulin garoonka Hargeysa saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inay waddanka ku tegayaan Casuumad Rasmi ah oo ay ka heleen Ra’iisal wasaaraha waddanka Turkiga Rajeb Tayid Erdogan, kaas oo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Turkiga.
Socdaalkana madaxweyne siilaanyo ku tegay dalka Turkiga ayaa ku soo Beegmaya xilli uu kaabiga inagu so ohayo shirkii Somaliland iyo soomaaliya ku ballansanaayeen ee ka dhici lahaa dalka Turkiga.
Haatan waxa waddanka Turkiga ku sugan Ra’iisal wasaaraha Somaliya Saacid shirdoon, taas oo uu isaguna arrimo gaar u ah halkaas ku joogo.
S.D.N.
Contacta@somalidiasporanews.com