|

Wafti sare Oo Xukuumadda Ka Tirsan Oo Saaka Lagu Wado Inay Soo Dhaweeyaan Koox Ka Soo Horjeedda Qaranimada Somaliland

Hargeysa:11-Dec-2013(SDN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa la sheegay inay saaka Madaarka Hargeysa Ku soo Dhaweyn Doonto Ninka Sheegta inuu Madaxweynaha ka yahay Maamulka Awdal State, kuwaas oo la sheegay inay dhawaan heshiis  ku gaadheen waddanka imaaraadka carabka.

awdalstateXukuumadda oo aan la fahmin cidda ay hoggaamiyaan kooxdan ay heshiiska aan bannaanka la keenin la gashay, ayaa la sheegayaa inay soo dhaweeyntooda u xilsaartay guddi ballaadhan oo uu Hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland iyo wasiirro ay weheliyaan Xildhibaano.

 

Madaxda Awdal State waxa ay saaka ka soo kicitimi doonaan Dalka Imaaraadka Carabta oo ay maalmahanba ku sugnaayeen, waxaanay ka soo degi doonaan Madaarka Hargeysa, iyagoo kulamo la yeelan doona Madaxweynaha Somaliland iyo madaxda kale ee Dawladda.

 

Lama Oga Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Awdal State in ay ka tanaasuleen sheegashadooda maamul Goboleed ka madax banaan Somaliland, hase yeeshee waxa lagu war helay iyadoo ay Dubai Heshis ku wada gaadheen laba qof oo ka soo jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo kuwaas oo shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ula qabteen kooxda Awdal State ku sheegay in ay Madaxweyne Siilaanyo kaga wakiil yihiin Gor-gortanka ay la yeesheen kooxdaasi.

Tallaabada ay xukuumada Somaliland ku soo dhawaynayso kooxdan sheegashadoodii muddada dheer qaadatay ku soo hungoobay, ayaa dad badan ku keentay warwar la xidhiidha hoos u dhac ku yimi qaranimadii.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed