|

Wafdigii Somaliland Ee Wada-hadalada Ka Qaybgalay Oo Warbixin Siiyay Baaralamanka Britain

London June 23,2012(SDN)-Wafdigii ka socday Jamhuuriyada Somaliland ee wada hadalada la yeeshay Soomaaliya ayaa shalay galabtii lagu soo dhaweeyay xarunta Baarlamaanka Britain iyaga oo warbixin buuxda ka siiyay wada hadaladii taariikhiga ahaa ee dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya iyo qodobadii  ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Xubnaha Baarlamaanka dalkan UK ee shirkan soo abaabulay oo ay hormuud ka ahaayeen Mudane Alun Michael MP oo laga soo doorto Koonfurta magaalada Cardiff iyo Penarth ahna gudoomiyaha xubnaha baarlamaanka UK ee u ololeeya qadiyada Somaliland ee loo yaqaan All-Party Group oo ay wehelisay Marwo Kerry McCarthy MP oo iyadana laga soo doorto dhinaca Bari ee magaalada Bristol ayaa waxa ay si heer sare ah wafdiga ugu soo dhaweeyeen xarunta Baarlamaanka

Wasiirka Arrimaha Debada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa si qoto dheer uga warbixiyay wada hadalada dhex maray wafdiga ka socday Soomaaliya, waxaana uu wasiirku tilmaamay in uu rajo weyn ku qabo in wada hadaladan bilowday ay horseed ka noqon doonaan in la helo laba dal oo Somaliland iyo Soomaaliya ah oo si nabadgelyo iyo deris wanaag ah ku wada noolaada.

Wasiirka arrimaha debadu waxa kale oo uu ka hadlay in Xukuumada ay Somaliland ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii loo soo dabaali lahaa nabdgelyada Soomaaliya, caalamkana ay Somaliland kala shaqayn doonto sidii xal loogu heli lahaa mushkilada dabada dheeraatay ee Soomaliya ka jirta, sidoo kale waxa uu wasiirku ka hadlay in Madax banaanida Somaliland ay tahay mid dadweynaha reer Somaliland ay ku ansixiyeen afti qaran oo ay tahay lama taabtaan.

Mudane  Michael Walls oo ka socday ururka loo yaqaan Progressio oo wafdiga waydiiyay su’aal ku saabsanayd in xubno ka tirsan Xisbiga UDUB aanay ku qanacsanayn wada hadalada ay Somaliland la yeelatay Soomaaliya ayaa waxaa jawaab balaadhan ka bixiyay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mudane Xirsi Xaaji Xasan oo tilmaamay in xukuumad ahaan ay la tashiyo balaadhan la sameeyeen Xisbiga UDUB gaar ahaan Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa Madaxweynihii hore ahna gudoomiha xisbiga UDUB oo uu taageersan yahay wada hadalada, waxaa kale oo tilmaamay in xukuumadu ay sii wadi doonto inay Asxaabta mucaaridka mar walba kala tashato danaha qaranka, waxa uu wasiir Xirsi tilmaamay in uu filayo in xubnahaUDUB ee wada hadalada diidani ay fikrkooda ku kooban tahay ee aanay ahay siyaasad ay Xisbiga UDUB isku raacsan yihiin, xukuumad ahaana ay xisbiyada ka talo galiyeen shirarkan Soomaaliya lala yeelanayo.
Shirkan waxaa ka qayb galay  Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax, wasiirka Arrimaha Debada Dr. Maxamed Cabdilaahi, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda Md. Maxamuud Axmed Garaad,  Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Somaliland Mudane Cali Xaamud, Ganacsade Maxamed Yuusuf, Danjiraha Somaliland u fadhiya UK mudane Cali Aadan cawaale, iyo Danjiraha Wareega ee Somaliland Kaysar Cabdilaahi Maxamed. Dhamaadkii shirka waxaa iyaguna madasha Baarlamaanka soo galay wafdigii Soomaliya ka socday oo warbixin Toban daqiiqo qaadatay oo wada hadalada Somaliland iyo Soomaliya ka hadlay.

Danjire Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Safiirka Wareega ee Somaliland

kaysar@diplomats.com

Comments are closed