|

Wafdi Wasiiro,Xildhibaano Iyo Qaar Ka Tirsan Dadka Deegaanka Oo Maanta Gaadhay Magaalada Marka Iyo Ujeedada Socdaalkooda

hhyyyyMarka:11,June,2014(SDN/QJ)- Wefdi ka socdo Xukuumada Federalka ee Soomaaliya, ayaa maanta waxay booqasho ku taggeen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo lagu soo dhoweeyay.

Wefdigaan waxaa horkacaaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federalka C/laahi Goodax Barre, waxaana ku wehlinaayay Wasiirka Gaashaandhiga General Maxamed Sheekh Xaamud, Xildhibaano iyo dadka deegaanka.

Wasiirada, ayaa waxay maanta kulamo kala duwan ay Magaalada Marka kula lee yihiin Odayaasha iyo wax-garadka beelihii ku wada dagaalamay Xarunta Shabeellaha Hoose ee Magaalada Marka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Warbaahinta la hadlay, ayaa ku waramaaya inay ka shaqeynayaan, sidii ay isugu soo dhowayn lahaayeen beelaha wada degga Magaalada Marka.

Wasiirka wuxuu intaa raaciyay in xalka uu ku imaan karo iyadoo dadka Somaliyeed, ay gartaan inay walaalo yihiin, kana fogaadaan xiqdiga iyo xaasidnimada dhexdooda ah, si dagaalada looga gudbo.

 

.

SDN/QJ-Marka

Daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiaporanews.com

 

Comments are closed