|

Wafdi Wasiiro ku jiraan oo ka socda dowladda Soomaaliya oo ku xayiran Garoonka Kismaayo

Kismayo May 26 2013 (SDN)— Wararka maanta ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in wafdi wasiiro ah oo ka socda dowladda Soomaaliya ay ku xayiranyihiin Garoonka Magaaladaasi.

Xubno ka tirsan wafdiga dowladda ee gaaray Garoonka Kismaayo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wafdiga uu wali ku sugan yahay Garoonka Kismaayo, madaama ay ciidamada Kenya ee Magaaladaasi ku sugan ay diideen in ay xaqiijiyaan Amaanka wafdigaasi.

Wararka ayaa sheegay in wafdiga uu ku jiro wasiirka Gaashandhiga Xukuumada Soomaaliya iyo wasiiro kale waxaana lagu waramayaa in wali ay la’yihiin cidii damaanad qaadi laheyd Amaan kooda si ay gudaha Magaalada u galaan.

Ciidamada Kenya ayaa horay u diiday wafdi ku sugnaa Kismaayo in ay Amaankooda xaqiijiyaan waxaana loo sababeynayaa khilaafka baahsan ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe.

Ciidamada Kenya ayaa kamid ah kuwa AMISOM laakiin waxaa lagu dhaliilaa in aysan u dhaqmin sida ciidama kale ee howlgalkan qeybta ka ah.

Wax kasto ay ahaato arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli xildhibaano ka tirsan barlamanka Soomaaliya ay mowshin kadhan ah Ciidamada Kenya u gudbiyeen Gudoonka sare ee Barlamanka Soomaaliya.

SDN-Kismaayo

Comments are closed