|

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo Mar labaad Buuro-wadal u tagay Xallinta Xiisaddi Bixin

Garowe 06.March 2016 (SDN/QJ):- Madaxwayne kuxigeenka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar Camey, iyo wafdi uu horkacaayo ayaa booqasho ku tagay deegaanka Buurowadal ee duleedka magaalada Garoowe. Wafdiga madaxwaynaha waxay isugu jireen wasiiro, xildhibaanno iyo madax kale oo ka socota maamulka Puntland.

buuro wadalUjeedka Socdaalka madaxwaynaha ayaa ahayd inuu dadka deegaanka kala soo xaajoodo cabasho ay kamujiyeen bar kantarool oo la dhigay deegaanka Bixin ee u dhow Buurowadal ee xadka Gobolka Sool iyo Nugaal.

Madaxwayne kuxigeenku wuxuu kulamo la qaatay odayaal, iyo waxgarad ka kala yimid deegaannada, Boocame , Tukaraq iyo Buurowadal, oo madaxwaynaha usoo bandhigay siday uga walaacsan yihin barta kantarool ee laga sameeyay deegaanka Bixin iyo dad wayne dhulkii halkaa ku yaallay ku habsaday.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Soocadde oo warbaahinta hadal siinayay ayaa sheegay in arintii madaxwayne kuxigeenka halkaas u tagay in lagu soo guulaystay, dadkiina lagu soo qanciyay in arintan Bixin ay ahayd arin  dad dano gaar ah leh ay buun buuniyeen isla markaana siyaasadeeyeen.

Tan kale dhanka dhul boobka madaxwayne kuxigeenka ayaa arintaasi horay awaamiir uga soo saaray inaan halkaasi laga qabsan Karin dhul aysan dawladdu ogayn.

Soocadde wuxuu kaloo sheegay in la isla gartay in dareenkii halkaasi ka taagnaa lasoo afjaro, kulankaasina uu soo guulaystay.

Comments are closed