Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka gaashandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo maanta dalka dib ugu soo laabtay
Muqdisho Jan 20 2013 (SDN)–Wafdi uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga dalka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo noqday Magaalada Muqdisho kadib markii uu shir looga hadlaye ammaanka uu kaga soo qeybgalay dalka Turkiga.
Wafdiga wasiirka ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinaye taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya,isaga oo wasiirka Saxaafada Garoonka Muqdisho kula hadlay warbaahinta.
Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in shirka uu kaga soo qeybgalay dalka Turkiga looga hadlaye sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhanka tababarida ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in la isku afgartay shirkaasi sidii dib udhis ballaaran ciidanka loogu sameyn lahaa sidoo kalena Dowladda Turkiga ay hogaaminayso qorshe ballaaran oo ciidanka Dowladda dib loogu dhisayo.
Shirka ka dhacay dalka Turkiga ayaa wuxuu ahaa shir ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen IGAD QM iyo sidoo kale xubno kale oo ka socday beesha caalamka iyadoo la isku afgartay sidii Soomaaliya dhanka ciidanka looga taageeri lahaa.
SDN-Muqdisho