Wafdi uu hogaaminayo C/xakiin Fiqi oo la filayo in goordhaw ay gaaraan Baydhabo
Muqdisho Jan 02 2013 (SDN)- Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo aadana gaaraan Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.
Wafdiga ayaa waxaa ku jira xildhibaano ka tirsan barlamanka Soomaaliya siyaasiyiyiin iyo xubno kale oo qeyb ka ah wafdiga.
Ujeedka safarka mas’uuliyiintan oo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa waxa la filayaa in ay magaalada ku yeeshaan kulamo looga hadlayo amaanka iyo xasilinta goboka oo badi laga qabsaday Al Shabaab.
Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmihii danbe socdaalo kala duwan ku marayay Magaalooyinka gobolada ee ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda waxaana uu kormeer ku sameynayaa howlaha ay ciidamad dowladda ka wadaan gobolada dalka.
SDN-Muqdisho