Wafdi ka socday dowaladda Soomaaliya, AU, IGAD iyo AMISOM oo gaaray Kismaayo
Kismaayo Feb 25 2013 (SDN)— Warar ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose ayaa sheegaya in Wafdi aad u balaaran ay maanta gaaray Magaaladaasi.
Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah Wasiirada Gaashaandhiga, Maaliyada, AMISOM, Wakiiladda Midowga Afrika, IGAD iyo saraakiil ka socota dowladda Soomaaliya.
Saraakiisha Kenya iyo Raaskambooni ayaa waxaa ay ku soo dhaweeyeen Garoonka wafdiga kuwaasi oo hada kulamo magaalada ku qaadanaya.
Wafdiga gaaray Kismaayo ayaa doonayay in ay xaliyaan dagaalkii ka dhacay Kismaayo iyo sidii loo mideyn lahaa khilaafka ku aada Maamul sameynta Jubooyinka iyo Gedo.
SDN-Kismaayo