Wafdi ka Socda Qaramada Midoobay oo gaaray Magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe
Jowhar March 20 2013 (SDN)— Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta gaaray Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Ujeedka wafdigaan ayaa waxaa lagu sheegay ukuurgalka xaaladaha kala duwan ee Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalkaasi iyadoo ay kormeereen xarumo dhowr ah.
Waxaa Magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay maamulka Degmada Jowhar iyo kan Gobalka iyadoo ay kulan wada qaateen maamulka waxaana shirka intiisa badan looga hadlay arimaha dhanka Bini’aadinimada Degmada Jowhar.
Waa wafdigii labaad ee gaaray Degmada Jowhar ee Gobalka Shabeelaha Dhexe halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Wafdiga maanta gaaray Degmada Jowhar ayaa qeyb ka ah wafdi horay ugaaray Magaaladaasi kuwaasi oo ukuurgalay xaaladaha kala duwan ee Degmada Jowhar.
SDN-Jowhar