|

Wafdi ka socda Bangiga Aduunka oo Muqdisho yimid, soona bandhigay Buug ka hadlaya Burcad badeeda(Sawirro)

Muqdisho April 11 2013 (SDN)— Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda Banka Aduunka oo ay hogaaminayso Agaasimaha Bariga Afrika ee baanka Aduunka.

Wafdigaan ayaa markii ay soo gaareen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka iyo sidoo kale wasiirka Kheyraadka dalka.

Agaasimaha Baanka Aduunka ee Bariga Afrika ayaa kulanka ay wada qaateen Wasiirada Soomaaliya waxa ay halkaasi kusoo bandhigeen buug ka hadlaya dhibaatada uu leeyahay Burcad badeeda.

Buugaan oo ay soo diyaariyeen dad ajaanib ah ayaa intiisa badan waxa uu ka hadlayaa dhibaatada iyo qataraha ay leeyihiin kooxaha Burcad badeeda Soomaalida.

Wasiirka garsoorka iyo cadaalada Soomaaliya C/laahi Abyan Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qorista buugan ay tahay mid wanaagsan balse ay ka wanaagsanaan laheyd in Dowladda Soomaaliya wax laga weydiiyo kahor inta aan la qorin.

Wuxuu sheegay Wasiirka garsoorka iyo Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha dalka in la isweydiiyo sababaha dhaliyay burcad badeeda Soomaalida.

Masuuliyiinta Baanka Aduunka ayaa sheegay in buugaan la qoray labo sano kahor balse talada iminka Dowladda Soomaaliya ay qaadanayaan taasi oo ah in Dowladda wax laga weydiiyo.

Baanka Aduunka ayaan aheyn shaqadiisa soo bandhiga buug ka hadlaya burcad badeeda Soomaalida iyo dagaalada Soomaaliya ka dhacay.

SDN-Muqdisho

Comments are closed