|

Wadooyinka waa weyn ee Muqdisho oo maalintii Labaad Xiran, Maxay tahay sababtu?

Muqdisho May 01 2013 (SDN)— Wadooyin waa weyn ee lama huraanka u ah Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa xiran Maalintii labaad oo xiriir ah iyadoo Isgoysyada iyo wadooyinka lagu arkayo Askar iyo gaadiidka ciidanka dowladda.

Dadka Muqdisho ayaa shalay shaqooyinkii, waxbaarashidii iyo howlihii kale oo ay lahaayeen badidoda ka baaqday sababo xinaashiyaha wadooyinka ah.

Wadooyinka Muqdisho muhiimka u ah ee xiran ilaa iyo shalay waxaa ka mid ah Wadada Maka Al Muramah, Wadnaha iyo kuwo kale iyadoo gadiidka dowladda iyo kuwa la bargaranayo oo kaliya la sii deynayo.

Dadka ayaa caadi u maraya wadooyinka laakiin waxaana suurta gal aheyn in dadka meelaha dheer u shaqa taga ay gaaraan si dhaqsiyo badan meelihii ay rabeen.

Sharaxaado kala duwan ayaa laga bixinayaa xirnaashiyaha Wadooyinka Muqdisho waxaana ka mid ah in dowladdu ay heshay fariin digniin ah oo khatar dhanka Amaanka ah iyo waxyaabo kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amaanka Qaranka C/kariim Xuseen Guuled ayaa uu sheegay in xirnaashiyaha qaar kamid ah wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho ay mid tahay qorshooyin Amaanka lagu sugayo.

Sidoo kale waxaa la baajinayaa munaasabadihii lagu xusi lahaa Maalinta shaqaalaha Aduunyada oo laga baajinayo Muqdisho sababo cabsiyo amaan la xiriira.

Lama oga sida ay wax ku danbeynayaan, laakiin dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhibaato dhaqaale dalkan galisay oo ay dadku ka cabanayeen ayaa hadana ugu dareysa shaqo la’aan ka imaaneysa xirnaan shiyaha wadooyinka.

SDN-Muqdisho

Comments are closed