|

Wado laami ah oo laga Hirgalinayo Magaalada Garoowe iyo Madax ka hadashay Dhagax dhigeeda

Garowe 01.October 2013 (SDN) Mamulka Dowlada hoose ee magaalada Garowe ayaa maanta  dhagax dhigay wadada Islaan Maxamad oo loo qorsheeyay in laga dhigo wado laami ah,waxana munaasibada lagu dhagax dhigayay wadadaasi kasoo qayb galay wasiiro ka socda Dowlada,waxgarad,mamulka magaalada Garowe,haweeni yo qaybaha bulshada.

Wadadan ayaa ka soo bilaabmaysay Barxada caanka ee Garowe ilaa jidka Sodonka.

Bilowgii dhagax dhiga waxaa hadal kooban ka jeediyay duqa magalada Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor sheegay dadaal dheer inay usoo galeen sidii wadada Islaan Maxamad looga dhigi lahaa wado laami ah, waxana uu raacshay in dhaqaalaha ku baxaya dhismaha uu gaarayo $188-kun.

”Wadadan dhararkeedu waxa weeye 1.320-mitir-waxaa ku bixi doona lacag dhan 188-kun 138-kun oo ka mid ah waxaa bixinaya Hay’adda UN-ka, dowlada dhexe %10-ayay bixinaysaa,dowlada hoosena waxay bixinaysaa %5-inta ka dhibana waxaa looga fadhiyaa inay baxshaan bulshada reer Garowe iyo dadka aag degan hareeraha laamigaan cusub” Ayuu yiri Mr.Koor.

Shirkada la yiraahdo Baca ayaa ku guulaystay qandaraaska lagu dhisayo wadada, gudoomiyaha Shirkadaasi oo la yiraahdo Cabdiqani Cali Shire oo goobta ka hadlay ayaa shegay inay ku qaadanayso dhismaha laamiga labo bilood iyo toban cisho,wuxuna sidoo kale shacabka ku nool magalada Garowe ugu baaqay inay mamulka kala shaqeeyaan dhanka horumarka iyo dhismaha wadooyinka.

Wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo gaadiidka Dowlada Puntland ayaa dhankiisa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin dadaalka tirada badan ee ay mamulka magalada Garowe ugu jiro dhismaha wadooyinka iyo hagaajinta bilicda caasumada.wasiirka ayaa sheegay inay ka go’an tahay in la hagaajiyo wadooyinka Puntland,maadama ay Puntland jirsatay 15-sano.

Waa wadadii labaad oo laamiga laga dhigayo,dad-yowga ku ganacsada hareeraha wadada islaan Maxamad ayaa si wayn usoo dhaweeyay tilaabada lagu hagaajinayo wadada,waxayna sheegeen inay ka qayb qaadanayaan hormarka ka socda Caasumadda.

Bishii March, 2013 ayaa waxa xariga laga jaray dhismaha wadadii ugu horeysay oo laami ah taasi oo loogu magacdarey AHN Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com11 12 14

 

Comments are closed