|

Waddooyinka Hargeysa Oo Saaka Ciidamo Cusub La Dhoobay iyo UJeeddada Laga Leeyahay

Hargeysa:19-Feb-2014(SDN)-Waddooyinka Waaweyn ee Magaalada Hargeysa, Gaar ahaan kuwa ka Ag Dhaw Goobaha Xafiisyada Dawladdu ku Badan yihiin ee Loo Yaqaanka Shacabka ayaa Saaka lagu Arkayaa Ciidamo Boolis ah oo si weyn loo Dhoobay.

reeriDadka caadiga ah ayaa ku waabariistay Ciidankan Tirada Badan oo aanay hore u arki jirin, kuwaas oo Gaadiidka Waddada Madaxtooyada Marta si weyn u baadhaya.

Ciidankan ayaa taagan isgoysyada ku Teedsan Aqalka Baarlamaanka Somaliland oo in muddo ahba xiisadi ka Taagnayd.

Ujeedadda ciidankan wali si weyn looma Faahfaahin, balse waxa Muuqata in Loogu Talo galay Kulanka Maanta Guurtidu iskugu Yeedhay Wakiillada oo Daminta Xiisaddooda lagu Hawlanaa, isla-markaana Hurinta dabkaas si weyn Madaxtooyada wax Looga Saarayey.

Ciidankan cusub oo saaka Dadka Reer Hargeysa ku Waabariisteen, ayaa loo arkaa mid loogu talo galay in loogu talo galay inay Ilaaliyaan Shirweynaha ay yeelanayaan Golayaasha Guurtida iyo Wakiilladu, iyadoo Xukuumaddu si weyn uga Cabsi qabta in Dadweynuhu Gudaha u galaan Golaha, maadaama ay si weyn uga Cadhaysan yihiin Farofaraynta ay madaxtooyadu ku Hayso Hay’addaas Sharcidejineed.

Xukuumaddan madaxweyne Siilaanyo ayaa caan ku ah inay kulamada xaasaasiga ah ee Golaha wakiilladu leeyahay ay ciidan ku Geddaanto, waxana Haatan intii Khilaafkani socday dhawr goor dhacday in ciidanku Xataa Gudaha u galeen Xarunta Baarlamaanka iyadoo aanu Guddoomiyuhu Dalban.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed