|

Waddani oo sheegay in xariga Abwaan Abees ay madaxtoodau ka danbeyso

Hargeysa February 07, 2024 (QJ) -Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (Abees) oo shalay maxkamadda degmada Hargeysa ay ku xukuntay sanad iyo lix bilood oo xadhig ah uu yahay mid siyaasadaysan.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in xadhiga Abwaanka loo maray sifo sharciga baalamarsan.

Waxa uu xusay in xitaa haddii ay jiraan eedeymo loo jeediyay Abwaanka oo uu aabbihii u soo jeediyay in xarigiisa uu ka sare maray xadkii sharciga ahaa ee lix bilood.

Abwaan Abees oo 40 jir ah ayaa xabsiga loo taxaabay 5-tii bishan ka dib markii uu Aabihii ku soo eedeeyay in uu caasi yahay, waxaana shalay maxkamada degmada Hargeysa ay ku xukuntay sanad iyo lix bilood oo xadhig ah.
Geesta kale, Hooyada dhashay Abwaanka oo la hadashay MMTV, ayaa sheegtay in wiilkeeda ay Dawladdu xidhay, isla markaana Aabihii loo adeegsaday.

Abwaanku waxa uu dhawaan soo saaray buug uu ku dhaliilayo xukuumadda mudo dhaafka xilka ku joogta oo uu ugu magac daray “Mayal” kaas oo la soo bandhigay sannado ka dib markii xukuumaddu mamnuucday.

Comments are closed