Waddani Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Eedaymo Uu Wasiir Cukuse Dusha Ka Saaray Guddoomiye Cirro
Hargeysa:Aug,01,2014(SDN/QJ)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa jawaabo kulul ka Bixiyey Eedo uu Wasiirka Warfaafinta somaliland dhawaan u jeediyey Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.
Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbigaas, ayaa sheegay in dhaliilaha uu wasiir cukuse huwiyey Guddoomiyahoodu aanu ahayn mid sal iyo raad midna leh.
Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo ka Hadlayey munaasibad xisbigu ku soo dhaweynayey Taageerayaal cusub, ayaa tilmaamay in xukuumaddu ku foogan tahay dhaliisha Xisbigooda,
“Waxaa habeenadan aad iyo aad loo dhagaysanaayey iyada oo gudoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo iyada oo ay warbaahinta awal ay lahayd umadda reer Somaliland laakiin hada ay yeelatay kooxda Xukuumada Maamusha ay ka aflagaadaynayaan oo ay leeyihiin muddo ayaa uu korodhsaday oo afar sanadood ayaa uu korodhsaday,waa dhab 2005-tii ayaa golaha wakiilada la doortay,waxaa ay ahayd 2010-kii in ay dhacdo doorashadoodu,waxaa la kordhiyey laba jeer ayaa la kordhiyey yaase kordhiyey cida kordhisay waa kuwa sidaas leh ayaa ah kuwa kordhiyey,waxaa kordhisay Xukuumada maanta jirta markii ay ku fashilantay in ay diyaariso Doorashooyinkii uu Golaha wakiiladu gali lahaa oo Golaha wakiiladu diyaar ayaa ay u ahaayeen in ay galaan sharciguna ,sharciguna waxaa uu dhigayaa golaha wakiilada waxaa badali kara gole la soo doortay,Xukuumadii diyaarin lahayd waxaa ay ku fashilantay in ay diyaariso doorashooyinkii dalka ayadaana kordhisay jiciirteedii si ay u asturto ayey kordhiyeen,laakiin golaha Wakiiladu muu korodhsan muddooyinkana ma kordhiyo,gole kalena waxba uma kordhiyo,nasiib darro oo waliba aad iyo aad wax looga xumaado ah Golahii sharci dajinta oo mar loo kordhiyey Xukuumadu hadana waxaa ay mar awoodi kari wayday markii labaad in ay u diyaariso doorasho si ay u galaan,mar labaad ayaa ay hadana ay kordhisay markaa ceebtaa yaa leh waxaa iska leh waa ciddii xilkeedii gudan wayday,waxaa ay ahayd in xil ka qaadis lagu oogo Madaxweynaha Iyo Madaxweyne ku xigeenkiisaba oo lagu qaado Xil gudasho la’aan ay xilkii umadda gudan waayeen”.Ayuu yidhi Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI.
Md:Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo waxaa uu sida oo kale uu si adag uga jawaabay eedaymo kale oo Xukuumadu muddooyinkii danbe si aan gabad lahayn ay ugu xajiimaynaysay Xisbiyada Mucaaradka dalka taasi oo ay sheegeen in Xisbiyada Mucaaradku ay Xidheen Xuduudkii udhaxeeyey Somaliland iyo wadamada Jaarka ah,waxaana uu ku tilmaamay ayaan darro aad u wayn oo ku habsatay dawlada Somaliland in Xisbiyada mucaaradka ah iyo dad shakhsiyaad ah lagu xajiimeeyo in ay ka danbeeyeen Xidhitaanka Xuduudka,waxaana carabka ku adkeeyey in xuduudka Xidhan ee dalalka ay Somaliland jaarka la tahay uu ka yimi fashil baahsan oo Xukuumada hada talada dalka haysaa ku hanan kari wayday kalsoonida dalalka jaarka ay la tahay,waxaana uu yidhi,
“Waxaa kale oo jirta in muddoyinkii danbe ay Xukuumadu ku celcelinaysay Xuduudkii waxaa naga xidhay Xisbiyada Mucaaradka runtiina arrintaasi waa wax lagu qoslaa waa waxa aad iyo aad looga xumaadaa marka Xukuumadii umaddaa dhan ma talaysay ee Umaddu safka u gashay ee ay dooratay ay sidaas u hadlayso qofkii intii saacadood ee uu ku jiray laynka ayaa uu dib u qoomamaynaa oo waxaa ay odhanayaan nimankii aad wax udirateen waxaa ay eedaynayaan shicibkii Somaliland iyo Xisbiyadii Mucaaradka oo ay leeyihiin iyaga ayaa naga xidhay Xuduudkii dawladihii Jaarka ahaa ee aanu la la hayn,waa wax runtii aad iyo aad looga xumaado aad iyo aadbaanan uga xunahay laakiin waxaanu leenahay waxaa loo xidhay Xududaha waa nasiib darro ku dhacday Somaliland waa fashilaad ay ku fashilantay Xidhiidhkii,maamulkii iyo nidaamkii dawladnimo ee ay la lahayd dawladaha Jaarka ah waxaanu leenahay ceebta gudihiina taala asturta laakiin warbaahinaha ha u soo bixina idinka oo qawan oo cid aan shaqo ku lahayn wax ka sheegaya”.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com