Wadamada Somaliland ka Gacan Siiya la Dagaalanka Budhcad Badeeda oo Hargaysa Yimid Booqashana Ku tagay Xabsiga Mandheera
Hargaysa 02.April 2014 (SDN)- Wefti ka kooban dalalka Somaliland ka taageera la dagaalanka budhcad badeeda oo iskugu jira danjireyaal ka socda dalalka Norway, Australia, Holland iyo masuuliyiin Qaramadda Midoobay u qaabilsan la dagaalanka dambiyada iyo mukhaadaraadka ayaa shalay socdaal ku yimi dalka Jamhuuriyada Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid oo weftigan ku soo dhaweeyay Madaarka magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay inay isla eegi doonaan mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka fuliyeen, waxaana uu tilmaamay in weftigani tagi doonaan xabsiga Mandheera oo ay ka socoto mashruuc lagu horumarinayo adeegyadda xabsigaasi.
“Masuuliyiintan aan halkan ku soo dhawaynayno oo socdaalkooda, waxaanu ka shiraynaa oo isla eegaynaa wixii Somaliland ay hore uga qabteen iyo baahida jirta iyo wixii ay inala qaban karaan sii adkayntooda, waxa weftigu ay tagi doonaan xabsiga mandheera oo ay laga fulinayo mashaariic horumarineed,”ayuu yidhi Wasiirka Cadaalladdu.
Sidoo kale wasiirka cadaalada iyo garsoorka, taliyaha ciidanka asluubta Xuseen Axmed Caydiid iyo Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Xiirane iyo weftigaas ayaa shalay-ba waxa ay si wadda jir ah xadhiga uga jareen dhisme laga hirgaliyay jeelka Mandheera, waxana halkaasi ka hadlay taliyaha ciidanka asluubta oo ka waramay maraaxilkii ay soo mareen jeelasha iyo waxyaabaha ay ku talaabsadeen ee horumarka gaar ahaan mashaariic la xidhiidha xirfado lagu carbiyo maxaabiista oo qeyb ka ah barnaamijyo lagu dhaqan celinayo maxaabiista jeelasha dalka.
Weftigan ayaa waxa ay dalka ku sugnaan doonaan muddo saddex maalmood ah, waxaanay booqan doonaan jeelasha iyo saldhigyada dalka qaar ka mid ah, waxaanay u kuur gali doonaan maxaabiista dambiyada u xidhan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog@gmail.com