“Wadamada aanu deriska nahay iyo beesha caalamka waxaanu jecelnahay in aanu nabad ku wada noolaano, mana ogolin farogelin dabadeed mid siyaasadeed iyo..” Madaxweyne Siilanyo
Hargaysa:16,June,2014(SDN/QJ)- madaxweynaha Jamuurida Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxmuud Siilanyo,ayaa Maanta Qasriga Madaxtiiyada Shir Deg deg ah iskugu yeedhay Galayaasha qaranka Imadaxweynaha Jamuurida Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxmuud Siilanyo,ayaa Maanta Qasriga Madaxtiiyada Shir Deg deg ah iskugu yeedhay Galayaasha qaranka Iyo Xisbiyada,si looga wada hadlo arimaha Bariga iyo Baaqii Bulashadda Caalmka eek u aadanaa Ciidamadda Somaliland ee aaga bari.
Waxaana uu madaxweyne Siilanyo hadal uu halkaasi ka jeediyay uu ku sheegay inay Dawladiisa ka go’antahay inay si nabad ah kula noolaadaan Dawladaha deriska ah,balse aanay ogolanay Faro-galin Dibadeed oo ku saabsan Xuduudaha Somaliland.
Waxaana ka mid ahaa hadaladii Mdaxweynha ee Madashaasi: “Maanta, kulanka aynu isugu nimi waxay ujeeddadiisa ugu weyni tahay in aynu mawqifkeena Qaran ahaan iyo Ummad ahaanba u caddayno Beesha Caalamka iyo Cid kasta oo Danaynaysa.
Waxa jirta in ay Somaliland hore u caddaysay mawqifkeeda ku aaddan nabad ku wada noolaanshaha iyo degenaanashaha mandaqadda oo aanu aaminsanahay in ay cid walba dani ugu jirto.
Waxaanuse kor iyo hoosba u sheegayna in ay qadiyadda Somaliland lama taabtaan tahay, dawlad, xisbiyo, Barlamaan iyo shacbiba in aanu heegan u nahay adkaynta nabadgelyada iyo sugidda Qaran-nimada Somaliland.
Wadamada aanu deriska nahay iyo beesha caalamka waxaanu jecelnahay in aanu nabad ku wada noolaano, mana ogolin farogelin dabadeed mid siyaasadeed iyo mid militari toona oo dhulkayaga iyo dalkayaga qadaf ku ah.
Shacbiga Somaliland waxan ugu baaqaya in ay u soo wada jeedaan oo ay u midoobaan difaaca dalka iyo adkaynta nabadgelyada Qaranka”.
.
SDN/QJ-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com