|

Wadahadaladii Nukliyeerka Iran oo heshiis rasmiya laga gaadhay

 Viena,14july,2015(QJ/SDN)-Wada hadalkii Nukliyeerka Iiraan oo heshiis rasmi ah laga gaadhay salaasadan maanta ah sida uu sheegay diblomaasi sare .

Wada hadalkii inta mudadda ah u socda shanta quwadood oo lagu daray dalka Jarmalka iyo Iiraan oo dhinac isla markaana lagaga hadlayay sidii heshiis waara looga gaadhi lahaa hubka halista ah ee Iiraan samaysanayso oo maalmihii ugu dambeeyay ka socday dalka Ustariya ayaa laga gaadhay heshiis rasmi ah kadib markii laga gudbay caqabadihii ugu waawaynaa ee horyaalay wada hadalkaas.

Waxyaabaha lagu heshiiyay ayaa waxa ka mid ah inay ogolaato Iiraan inay kormeerayaasha qaramada midoobay booqdaan xarumaha milatariga iyo goobaha hubka Nukliyeerka lagu farsameeyo.

Wararku waxa ay sheegayaa in aanay mihiimad ahayn in meel kasta oo lagu farsameeyo hubka nukliyeerka ah in ay booqdaan kormeerayaasha qaramada midoobay ee masuuliyadoodu tahay inay soo kormeeraan goobahaasi.

Dhaliilaha ka imanaya ayaa sheegay inaan Iiraan si rasmi ah looga goyn inay heshiiska ku dhaqanto.

Waddamada Maraykanka, Ruushka iyo Britain ayaa wadahadalo kula jiray Tehran muddo 17 maalmood ah, si Tehran loogu qanciyo in ay hoos u dhigto howlaheeda Nukliyeerka si looga khafiifiyo cunaqabataynada caalamiga ah.

Comments are closed