Wadahadaladii Mucaaridka iyo Xukuumada Jabuuti oo maanta dib u furmaya
Jabuuti Aug 17,2013(SDN)-Waxa maanta magaalada Jabuuti dib uga furmay wada hadaladii u dhexeeyay Dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN iyo Xukuumada Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle.
Wadahadalada ayaa labada dhinac waxa ay ka muujiyeen rejo wanaagsan oo soo afjari kareysa ismaandhaaf siyaasadeed oo Jabuuti ka jiray sanadihii u danbeeyay.
Mucaaridka Jabuuti ayaa doonaya in xabsiyada dalka laga sii daayo siyaasiyiinta iyo shacabka xabsiyada dalka ku jira.
Sidoo kale Mucaaridka Dalka ayaa doonaya in nidaam dimuqraadiyadeed uu sal dhigto Jamhuuriyada.
Halka Xukuumadu ay ka dooneyso in awood qeybsi marka hore xaalada lagu dejiyo ka dibna laga wada arinsado siyaasada dalka lagu hagi doono.
Mucaaridka oo hore ugu mideysnaa ka soo horjeedka Xukuumada ayaa haatan ka doodaya habkii loo wejihi lahaa wadahadal lala yeesho Xukuumada.
M aha markii u horeysay ee xukuumada Jabuuti ee uu hogaamiyo madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle wadahadal la gasho mucaarid ka soo horjeeda.
Xukuumada Jabuuti waxa ay hore wadahadal ula gashay mucaaridkii hubeysnaa ee Frud oo heshiiskii colaada lagu joojiyay in badan oo ka mid ahi aany taabo gelin.
Taas oo sal u ah shaki mucaaridku ka qabaan wadahadalada haatan socda ee aan tafaasiisha badan laga heyn.
Si kastaba ha ahaatee kulnaka maanta ayaa laga filayaa in ay ka soo baxaan heshiisyo horudhac ah oo labada dhan ay gaaraan.
Mucaaridka guddaha iyo dibeddaba waxa ay dhegta u taagayaan natiijooyinkaa iyo sida ay shacabka dalka ugu cuntami doonaan.
SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com