Wadahadaladii Mucaaaridka iyo Xukuumada Jabuuti oo Dib u biloowday
Jabuuti Aug 15,2013(SDN)-Waxa Jamhuuriyada Jabuuti dib uga bilowday wadahadalo Ramadaantii horaanteedii u furmay Xukuumada Ismaciil Cumar Geele iyo Dalada Mucaaridka Jabuuti ee ku bahoobay USN.
Wadahadaladan ayaan ilaa haatan la isula meel dhigin qodobada siyaasadeed ee la doonayo in la isugu soo dhaweeyo dhinacyada siyaasada dalka Jamhuuriyada Jabuuti.
Waxase ah halka laga duulayo sidii dalka loogu soo dabaali lahaa nidaam siyaasadeed oo aan dhana u janjeerin oo sahla in shacabka Jabuuti ay iyagu noqdaan cida soo doorata hogaanka dalka.
Xukuumada Jabuuti ayaa intii ay furtay wadahadalda waxaad moodaa in ay si farsameysan u hakisay mucaaradad sii baaheysay oo ay dhici kareysay in ay xaaladu faraha uga baxdo.
Halka ay mucaaridkana ugu kala qeybisay qaar xal doon ah iyo qaar ay ka goan tahay in aaney ku hakan xal waara oo qas doon ah,isna tusay in ay qas uun tahay sida ay talada dalka gacanta ugu dhigi karaam.
Si kastaba ha ahaatee waxa shacabka reer Jabuuti ay niyad sami intooda badani ku soo dhaweeyeen wadahadaladan xiligoodii dib uga dhacay ee looga xaajoonayo mustaqbalka dalka.
Hase yeeshee Mucaaridaka Qurbejooga reer Jabuuti ayaa u muuqda qaar aan iagu sidaa ugu niyad sameyn wadahadalada oo ay ka goan tahay in mucaaridada qasku weheliyo tahay sida isbedel dhab ahi uu dalka u biyo dhigan karayo.
Halka Mucaaridka Qurbejooga ay ka dhex muuqdaan qaar niyad samida la wadaaga Shacabka Jamhuuriyada ku nool ee ku qanacsan wadahadalada.
Si kastaba ha ahaatee waxa haatan loo wada dhego taagayaa sida ay dhinacyada Siyaasada Jabuuti u wejahaan wadahadaladan umaddana ay uga faaiideyaan fursadan siyaasadeed.
SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com