Wadahadaladii Itoobiya iyo ONLF oo burburay,maxeey tahay sababtu?
Nairobi Oct 18,2012(SDN)-Dawlada Itoobiya iyo Jebhada ONLF ee kadagaalanta degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dhawaan isku afgartay wadahadal ay garwadeen ka tahay dawlada Kiinya.
Dawlada Itoobiya ayaa ka codsatay dawlada Kiinya in ay dalkeeda ku martigeliso wadahadalo ay layeelato ONLF,dawlada Kiinyana waxa ay ONLFta ku qancisay ka qeyb galka wadahadalada.
Wadahadalada wareegoodii hore ayaa ku dhamaaday jewi hagaagsan ka dib kolkii lagu heshiiyay in laga fogaado waxwalba oo carqalad ku keeni kara wadahadalada.
Wareegii labaad oo Nairobi ka dhacay 15kii ilaa 17kiina waxa kasoo baxaya xogo tibaaxaya in wadahadaladii ay burbureen.
Burburka waxa loo aaneeyay dalab aan meesha hore ugu jirin oo dawlada Itoobiya ay hor dhigtay jebhada.
Dawlada Itoobiya ayaa dooneysa sida xogtu tibaaxeyso in ONLF ay aqbasho axdi qarameedka dalka Itoobiya.
Jebhada ONLF ayaa qabta in shacbiga Soomaalida ee Itoobiya aan la siin fursad ay si xor ah ugu codeeyaan dastuurka dalkaasi.
Si kastaba ha ahaatee dad ku dhawdhaw jebhada ONLF ayaa qaba in jebhadu xiiseyneyso in wadahadalada la sii wado.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com