“Wadaaddada waxan leeyahay waar idinkaa maanta dadka ugu khamiisyo cad-cad, kimistiinuna way……..”sheikh Aadan siiro.
Hargeysa:31-Aug-2013-(SDN)-Sheekh Aadan xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland, ayaa markii ugu horraysay si sarbeeb ah uga hadlay culimo reer somaliland ah oo la sheegay inay ka mid noqdeen Ururro Diimeed oo ka jira Dalka Somaliya.
Sheekha oo caan ku ah inuu difaaco qaddiyada Somaliland ayaa khudbaddiisii maalintii jimcaha ee shalay isagoon si gaar ah u carrabaabin si guud farriin ugu diray wadaadadda ku nool Somaliland, “Wadaaddada waxan leeyahay waar idinkaa maanta dadka ugu khamiisyo cad-cad wadaaddoow, idinkaa maanta wax badan ku haysta,Kaarbityada ugu waaweyn iyo masaajidada idinkaa hor fadhiya, waar kimistiinu way bisishahay, waar adeer ka daaya oo ilaaliya Somaliland.” Ayuu yidhi sheikh Aadan siiro oo si guud ula hadlaya culimada Reer Somaliland.
Sidoo kale sheikh Aadan Siiro iftiiminaya qiimaha ay leedahay jamhuuridda Somaliland iyo sida loogu baahan yahay in dadku waxa ay heshiiska ku yihiin loo ilaaliyo, waxa uu yidhi, “Ninka tan(somaliland) wax dhaama hayow annaga na qanci annagaa kugu raacaynee, markaa waar Go’aamada ay culimadu qaadanayaan iyo dadka magacyada leh waxanu leenahay waar ilaaliya daraf baynu ka nahaye.”
Hadalkan ka soo baxay sheikh Aadan siiro, ayaa waxa uu ka dambeeyey markii ay soo baxeen warar hoose oo sheegaya in qaar ka mid culimada waaweyn ee reer Somaliland xilal sarsare ka qabteen ururro diini ah oo dalka somaliya ka jira, waxana maalmahanba soo baxayey shaki laga qabo culimo badan oo markii hore waddanka gudihiisa laga maamusi jirey, haddase aad loo hadal hayo.
Sheekh Aadan siiro ayaa isagu caan ku ah oo u banbaxay difaaca iyo ku adkaanta qaddiyadda Somaliland taas oo shacabka reer Somaliland si weynugu taageeraan, waxase jira culimo badan oo aan ku farax sanayn hannaanka uu sheikh aadan siiro wax u wado.
Somalidiasporanews.com