|

Wada hadalkii Xisbiyada iyo Xukuumada oo Meel adag Maraya Waddani oo Madasha ka Baxay iyo Natiijada la filayo

Hargaysa 26.May 2015 (SDN/QJ)- Wejiga saddexaad ee wadahadalka u socday Asxaabta Mucaaradka iyo Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la filayaa in saacaddaha soo socda laga soo saaro go’aan kadib markii maanta oo dhan ay iskula jireen shir albaabadu u xidhan yihiin.

Kulankii Mucaaridka iyo MuxaafidkaGogosha wadahadalka oo Xukumaddu fidisay ayaa labadii cisho ee hore ka qabsoomay Hotelka Ambassador, hase ahaatee kulankan ayay Xukumaddu u soo leexisay hotelka Maansoor, balse bacda qadadii ayaa Xubnaha wada hadalka ugu jira Mucaaradka iyo Xukumaddu u kaceen Guriga Madaxweyne xigeenka halkaasi oo galinkii dammbe oo dhan wada hadalku uga socday. Sababta loo tagay Guriga Madaxweyne xigeenka ayaa loo aanaynayaa in dhinaca xukumaddu ka madax gadayo ama ka gabanayo Saxaafadda oo Maansoor u tagtay soo tabinta warka.

Saxaafadda ayaa haatan ku sugan afaafka hore ee guriga Madaxweyne xigeenka Somaliland halkaasi oo la filayo in saacadaha soo socda war laga helo kulamada Mucaaradka iyo Muxaafadka maadaama ay maanta adkaatay in xog laga helo kadib markii la adkeeyay bixista xogaha kulanka.

Xukumadda ayaa hore adkaysatay go’aanka guurtida Somaliland ku kordhisay wakhtiga Xukumadda sanad iyo 10 bilood, halka Mucaaradku ku dhegan yahay hal sanno.
Dhinaca kale Wararka ay Qurbejoog ka helayso Madasha Wada hadalka ayaa sheegaya in Xisbiga Waddani uu ka baxay Wada hadalka halka Xisbiga Ucid iyo Xukuumadu ay Sheegeen in Waddani ka cadhooday Xiliga la shaacinayo natiijada wada hadalka oo soo bixi doonta 24 Saacadood Gudahood .
Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ee WADDANI Md Cabdiraxmaan Cirro ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland iyo caalamka ugu baaqay in la soo dhex galo, ka dib wada hadalkii u socday oo natiijo la’aan ku soo dhammaaday

Comments are closed