Wada hadalka TPLF iyo Dawladda Itoobiya oo Jabuuti ka furmaya
Jigjiga. 12 September, 2022. (QJ)- Magaalada Jabuuti ee caasimadda waddanka Jabuuti ayaa la filayaa in uu ka furmo wada hadal u dhexeeya kooxda TPLF ee waqooyiga Itoobiya maamusha gaar ahaan gobolka Tigray iyo dawladda Itoobiya, waxaana lagu rejo wayn yahay in wada hadaladani qabsoomaan.
Dawladda Maraykanka ayaa imika wada dedaalada lagu fududeeyay in ay dhinacyadu wada hadal yeeshaan oo ay aqbalaan ugu horayn dhex dhexaadinta Washington kadibna la isla eego qodobada kale ee wada hadalka xuddunta u ah, iyadoo kooxda TPLF ay rabto dhex dhexaadinta Maraykanka.
Xukuumada Abiy Axmed ayaan iyadu rabin ama ku niyad samayn dhex dhexaadin ay wado dawlada Maraykanku iyadoo u aragta oin Washington ay la safan tahay dhanka TPLF xili horeba ay xukuumada Addis Ababa eedaymo ugu jeedisay Reer Galbeedka oo Maraykanku ka mid yahay.
Dhawaan ayay ahayd markii dagaalo culusi ay mar kale kasoo curteen gudaha gobolka Tigray iyo maamulada la jaarka ah ama ood wadaagta yihiin ee Canfarta iyo Amxaarada ama Xabashida, dagaaladaas oo dhinacyadu ay isku eedeeyeen in midba ka danbeeyay waxaana dhacday in TPLF ay mar kale qabsato deegaano ka tirsan dhulka Amxaarada Itoobiya.
Itoobiya waxa ka socda dagaal salka ku haya siyaasado dhaqaale iyo har dan awoodeed oo u dhexeeya Abiy Axmed iyo madaxda Tigrayga ee 30-kii sanno ee lasoo dhaafay maamulayay waddanka Itoobiya, kwuaas oo aan weli ka hadhin in ay talada kusoo laabtaan iyagoo taageero ka helaya dawladda Maraykanka.
Maraykanka ayaa isaguna kasoo hor jeeda Abiy Axmed oo xidhiidh wanaagsan la sameeyay dawlada Shiinaha oo gobolka Geeska Afrika ka wada maal gelin ballaadhan oo balaayiin doollar ku kacaysa.