|

Wada Hadalka Somaaliland Iyo Somaaliya (GARNAQSI) Qalinka Xassan Cumar Hoorri

Hargaysa 13.April (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa u Kicitimay dalka Turkiga si loo sii ambaqaado wada-hadaladii Somaaliland iyo Somaaliya oo hakad galay tan iyo intii laga soo dhisayay xukuumadda Somaaliya.

Wada hadalku waxaa uu ka soo curtay shirkii Lancaster House, London kasoo markii ugu horraysay, muddo 20 sannadood ah, u goleeyay in 23kii February 2012 labada dal si fool ka fool ah u kulmaan. Shirka London oo oo si mug leh loogu gorfeeyay arrimaha Somaalida waxaa ka soo baxday war murtiyeed dulucdiisu ahayd, “Shirku waxaa uu aqoonsaday baahida loo qabo in bulshada caalamku gacan ka gaysato wada-hadal dhex mara Xukuumadda Somaaliland iyo Dawladda (TFG) ee Somaaliya ama ciddii bedesha si ay isu la meel dhigaan xidhiidhka mustaqbalkooda.”
London- Shir doceed 2 maalmood socday ayaa labada dhinac uga furmay, February, Chevening House, duleedka London. Shirkaa waxaa ka soo baxay 8 qoddob oo nuxurkoodu ahaa in la iska kaashado dhinacyada nabadgelyada, la dagaalanka argagaxisada iyo budhcad badeedda.
DUBAI- Dabayaaqadii June 2012 waxaa magaalada Dubai ee Imaaraatka ku kulmay labada Madaxweyne Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Kulankoodu waxaa uu jebiyay derbigii aamusnaanta, waxaana lagu heshiiyay inay sii socdaan wada hadaladu. Madaxweynayaashu waxaa ay qalinka ku duugeen qoddobo dhowr ah oo hordhac u ahaa, marka hore, in la iska kaashado waxyaabaha badan oo heshiiska lagu yahay. In si qotto-dheer loo gudo galo aayaha labada dal waxaa is hortaagtay sharciyadda Madaxweyne Sheikh Shariif oo 60 ka hadhsanayd.
Shirka waxaa si buuxda u taageeray Imaaraatka Carabta oo gogosha dhigtay, sidoo kale, Britain iyo dalalka Yurub.
“Dalka Imaaraatku waxaa uu dareensan yahay habeenno yar in aan lagu hilmaami doonin xanuun fara badan oo muddo soo jiitamayay. Balse waxaan marag ka nahay kulanka labada Madaxweyne in ay hortayada ku saxiixaan heshiis irridda u ballaqaya wada-xajoodka.” Sidaa waxaa madasha kaga tiraabay Mudane Anwar Mohammad Gargash,Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraatka.
Gogasha Istanbul? Gogosha Turkigu fidiyay waxay noqon doontaa fadhigii ugu adkaa ee labada dal ku kulmaan marka laga eego waxa ay koox walba shirka la iman doonto. Somaaliland waxay maraysaa heer kulaylkii ugu sarreeyay. Labaatan sannadood oo ay isku tashanayeen ka dib, waxa keliya oo dhegahoodu maqli karaan iyagoo loogu duceeyo dawladnimadooda. Dhowaan Madaxweyne “Siilaanyo” isagoo u socdaalayay dalka Imaaraatka waxaa uu si kulul warbaahinta uga sheegay in aanay marnaba ka gorgortami doonin madax-bannaanida Somaaliland. Waxaa uu xusay gooni-isu-taaggu in uu ku yimid halgan dheer iyo dhiig loo huray iyo in maanta dalku leeyahay ciidamo difaaca qadiyadda ummadda. Madaxweynahu waxaa uu ka tarjumayay aragtida dhabta ah ee bulshadu aaminsan tahay

Dhinaca kale, Madxweyne Xassan Shiikh Maxamuud waxaa si siman u soo eegaya dadkii soo doortay iyo mucaaradkii iyadoo arrinka Somaaliland loo arko tijaabo looga qiyaas qaadan doono kartidiisa. Mar uu ku sugnaa Belgium waxaa uu warbaahinta u sheegay in xukuumaddiisu u taagan tahay midnimada Somaaliya, inkastoo uu afgobaadsi ku sheegay inay nabad wax ku raadin doonaan.

Sidoo kale, waxaa aan qarsoonayn mawqifka Xukuumadda Turkiga. Degelka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga waxaa lagu baahiyay in ay taageerayaan nabadda iyo midnimada Somaaliya.

Sidaa darteed, ergada Somaaliland ee uu hoggaaminayo Madaxweynahu waxaa looga baahan yahay in ay si taxadir leh u galaan wada-hadalka iyadoo sida la og yahay Qadiyadda Somaaliland saldhig u tahay.

Garnaqsi: Ergada Somaaliland waxaa laga sugayaa in ay si cilmiyaysan iyo si ay iyagu nooga aqoon badan yahiin uga garnaqsadaan Gooni-Isu-Taagga Somaaliland.

Sannadkii 2002 waxaan ka mid ahaa ergo ka kooban 4 qof oo Somaaliland ku metelayay shirka dhismaha Midowga Afrika (AU) ee ku qabsoomay Koonfur Afrika. Markaana, waxaa laga soo guuray Ururkii Midnimada Afrika (OAU). Wafdiga waxaa igu weheliyay Dr. Xuseen Bulxan, Drs. Adna Adan iyo Fadumo Saciid.

a) Annaga oo si buuxda uga qayb qaadanay shirarkii siyaasadda iyo bulshada rayidka waxaan halkaa kala soo guryo-noqonay Xeerka Midowga Afrika. Qoddobka 4aad ee xeerka, Xarafka “B” waxaa uu dhigayaa in la xurmoyo laguna wada xaajoodo xuduudahii gumaystahu uga tegay Afrika. Qoddobku waxaa uu jideynayaa sharciyadda gooni-isu-taagga Somaaliland.
b) Isla markaa Xukuumadda Koonfur Afrika waxaa ay si baahsan u guda gashaya qadiyadda Somaaliland. Waxaana Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee K. Afrika soo saartay bayaan cad oo sifo sharci ah iyo si faahfaahsan ugu sababaynayso in Somaaliland loo aqoonsado xubin ku biirta Midowga Afrika (AU).
c) Sannadkaa, 2002 xukuumadda Somaaliland waxay si rasmi uga codsatay in Komishanka Midowga Afrika (AU) uu gudo galo arrinka Somaaliland. Ugu danbayntii 2005 ururku waxaa uu soo diray guddi farsamo iyo xaqiiqo raadin waxaana hoggaaminayay Mudane Patrick Mazimhaka, Guddoomiye ku xigeenka (AU). Guddigu waxaa ay qoreen warbixin sugan tasoo ay ku caddeeyeen dhinaca sharciyadda in Somaaliland xaq u leedahay la soo noqoshadii madax-bannaanidooda iyo in ay mudan tahay in la ictiraafo. Sidaa darteed, 16kii May 2006 Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin waxaa uu la kulmay Guddoomiyahii Komishanka (AU) waxaana uu u gudbiyay qoraal rasmi ah oo uu ku dalbaday in la aqoonsado Somaaliland.
d) Qarannimada Somaaliland waxa ay ka soo bilaabantay 1884 markaas oo la abuuray Maxmiyadda Britain ee Somaaliland. Dagaalkii 2aad ee Adduunka, 1940-1941waxaa dalka gacanta ku dhigay Talyaaniga. Ka dib waxaa taladaa, mar kale, mulkiyay Boqortooyada Britain ilaa uu dalka ka xorrobay 26kii June 1960.
e) Toddobaad ma jirin Dawladnimadii Somaalilnad markii 1dii July si shuruud la’aan ah lagu la midoobay Koonfurta Somaaliya oo isla maalintaa ka xorowday Talyaaniga. Hase ahaatee, maalmahii koobnaa dawladda waxaa laga diiwaan geliya Jamciyadda Quruumaha Ka Dhexaysa (UN). Waxaana aqoonsaday 35 dal. Sharciyadda midnimadii Somaaliya waxaa durbaba shaasheeyay sed-bursi iyo sidii loo qaybiyay talada dalka. June 1961 waxaa Somaaliland laga diiday afti lagu taageerayay midnimada. Isla markaa, 1961 xoogagga miletari ee ku sugnaa Somaaliland waxay isku dayeen inqilaab fashilmay kasoo ay rabeen in ay kula soo noqdaan madax-bannaanidii dalka. Waxaa xusid mudan Maxkamadaha Xamar inay wax denbi ah ku waayeen saraakiishii inqilaabka iyadoo loo sababeeyay in midnimadu aanay dhammays ahayn iyo in aan maxkamadu awood sharciyeed u lahayn Somaaliland.
• Somaaliland waxay buuxisay shuruudahii Mabaa’diida Montevideo (The Montevideo criterion) kuwaas oo halbeeg u ah sifaha caalamiga ah ee dawladnimo. Mabaa’diidu waxa ka soo duxeen Heshiiskii Xuquuqda iyo Xilqeexidda Dawladaha ee lagu saxiixay Montevideo 1933. Inkastoo heshiisku uu ku koobnaa carrada Maraykanka haddana waxaa laga ansaxiyay dunida reer galbeedka. Mabaa’diidan oo looga qiyaas qaato dawladnimada waxay qeexayaan in dawladdu ay yeelato 1. Tiro dad ah, 2. Soohdin sugan, 3. Xukuumad talisa iyo, 4. Awood heshiis lagu la geli karo dawlado kale.
• Shardiga ugu culus waxu dhigayaa in la soo xaqiijiyo in dawladdu leedahay Soohdin sugan. Sidaa darteed, xuduudaha Somaaliland oo bedkoodu dhan yahay 137,600 Sq Km waxaa lagu ansaxiyay heshiisyo ay ku wada galeen Britain iyo France (1888), heshiiskii Italy (1894) iyo, heshiiskii Ethiopia (1897).

Waxaa run ah in adduunku geeddi u yahay midnimo. Waxaaba la hawaysanayaa qaarad kasta in ay ku midowdo dal keliya. Waxaa lagu hawlan yahay midaynta Bariga, Galbeedka, Badhtamaha iyo Koonfurta Afrika,. Aragtidaasi ma ah mid ka maqan Somaaliland. Run ahaantiina dad iyo xukuumadba waxaa suurto gal ah, haddii la heli karo, dalku in uu la midoobo Geeska Afrika. Hase ahaatee waxaa gabaabsi ah in dib loo soo nooleeyo midnimada shanta Somaaliyeed. Maanta Djibouti waxay u taagan tahay iskeed, halka Soomalida kalena ku dhex milmeen dalalka Ethiopia iyo Kenya. Sidoo kale, waxaa dhintay oo aaskeedii laga soo dareeray in dib loo mideeyo labadii dale ee Somaaliland iyo Somaaliya.

Ogow dabayshu gebi ahaanba midnimo u ma dhacayso. Tan iyo intii uu soo afjarmay Dagaalkii Qaboobaa waxaa dunida ku soo kordhay dalal faro badan oo si nabad ah uga dhashay burburkii Midowga Soofiyati. Dhiig badan oo ku daatay dalweynahii Yugoslavia isagana waxaa ka soo biqlay dhowr dal sida Slovenia, Croatia, Bosnia Herzegovina iyo Macedonia. Qaaradda Aasiya iyana waxaa ku soo biiray dal cusub oo loogu wanqalay East Timor. Afrika iyaduna kuma qadin taranka dalalka oo waxaa laga xalaaleeyay dalalka Saxaaraha Galbeed, Eriteria iyo Koonfurta Suudaan.

Haddaba, dhan kasta oo la iska taago, shaki kuma jiro qadiyadda Somaaliland in ay mudan tahay garwsho. Hase ahaatee, waxaa ka sokeeya xukuumadda ka arrimisa Somaaliya in lagu soo dhisay, laguna qotomiyay Dastuur qeexaya in Midnimada Somaaliya tahay Muqadis (wax ka soo degay xagga Eebbe). Sidoo kale, xukuumadda Somaaliland waxaa horyaalla Dastuur isaguna (Muqadis) ka dhigaya Gooni_Isu-Taagga. Waxaa u sii dheer Madaxweyne aan ku iman doorashada labo boqol balse lagu soo doortay codka 500,000. Waxaa qalin iyo xisaab la sugaya labo gole xeerdejin oo mudoo 20 sannadood ah u taagnaa iyagana lagu soo doortay Qadiyadda Somaaliland. Waxaa ka danbeeya saxaafad aan xadhig iyo xabbad midna ka baqayn oo ku soo caano maashay sheegista runta iyo wax dheerba.

Sidaa darteed, miyaanu xalku ahayn in labada Madaxweyne ka haasaawaan waxii dan ah sida iskaashiga dhinacyada nabadgelo, dhaqaale iyo bulsho iyadoo Qadiyadda Somaaliland si wadajir loogu dhaafi doono Midowga Afrika (AU)? Hase ahaatee, waxaa fiican Soomaliya, Turkiga, Ingiriis, Europe, Maraykan iyo dhammaan Ilma Nebi Aadan in ay ogaadaan nabadda, dimuqraadiyadda iyo xasiloonida ka jirtaa Somaaliland inay dan u tahay kuna fadhiyaan dhammaan dalalka deriska iyo kuwo ka sii fog. Waxaana habboonayd in lagu abaaliyo waxii ummaddu xaq u leeyahiin. Taasi waa haddii aanay adduunka ka qorshaysnayn in dib loo huriyo colaad ka soo cusboonaata Geeska taasoo aanay cidna mahadin doonin.

Hargaysa SDN.

qurbejoog.com

Comments are closed