Wada Hadaladii Juba land iyo Dawlada Federaalka oo Kaabiga u saaran inay fashilmaan
Addis Ababa 24.Aug 2013 (SDN)- Wararka ugu danbeeyay oo maanta laga helayso magaalada Addis Ababa oo wadahadal shantii maalmood ee la soo dhaafay uga socday DF Somalia iyo Jubaland ayaa sheegaya inuu qarka u saaran yahay inuu burburo.
Ergada DF ayaa soo jeedisay in maamul KMG labo sanno ah loo aqoonsado Jubaland, halka Axmed Madoobe uu noqonayo Gudoomiye, waxana si wayn uga biyo diiday arinta Gudoomiyaha ergadii Jubaland oo sheegay in dastuurkooda iyo kan Federaalka Somalia ay ka hor imaneyso.
”Madaxweyne iyo maamul wax ka yar yeeli mayno inaan qaadano” ayaa waxa yiri sarkaal ka tirsan ergada Jubaland oo shirkaas ka qayb qaadanaya .
Siyaasiyiinta iyo xogogaalkaan aan warkaan kasoo xiganay oo saacadkasta khadka telephonka kula jira qaar ka mida ergada Maamulka Dowlada Jubbaland shirka uga qaybgalaysa, ayaa ii xaqiijiyey in ay jirto culays Dowlada Federaalka uga imanaya dowladaha caalamiga ee daneeya danaha Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaana Qaramada Midowbaty oo la yiri “waxay wacday Madaxwaynaha Dowlada Federaalka oo ay u xaqiijiyeen in dhanaca uu shirka ka socon la’ayahay ay tahay dhinaca maamulkiisa ama maamulka Dowlada Federaalka”
Xasan Shiikh Maxamuud oo markiisi horeba cadaadis EU iyo IGAD uga yimid ku yeelay wadahadalkan ayaa lagu edeeyay inuu ka danbeeyo fashilitaanka shirka Addis oo aan muujin wax tanaasul ah.
Waxa weli socda qorshihii Villa Somalia ee ahaa in maamul KMG sanad ilaa laba sanno loo soo magacaabo kaasi oo Muqdisho looga arimiyo.
Shirka Addis ayaa wado u jeexaya dhismaha maamulada dalka iyo hirgelinta Federaalka Somalia oo Jubaland tahay dowladii ugu horeyso oo dhismata tan iyo ansixintii dastuurka Aug, 2012.
Addis Ababa SDN.