|

“Waaxda Garsoorka Waxaanu doonaynaa oo Keliya inay ka Jawaabaan Mushaharka uu Yidhi Madaxweynuhu Waan Siiyaa” Xubno Qareeno ah {DHAGAYSO}

Hargaysa 11.May 2014 (SDN/QJ)- Xubno ka Mid ah Qareenada iyo Daneeyeyaasha Xuquuqul Iinsaanska Somaliland oo Maanta la Hadlay Warbaahinta ayaa Si Xoogan u Naqdiyay Hanaankii ay Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex u martay Xadhigii ay ku riday Gudoomiyaha Wargayska Haatuf iyo Tifaftirihii Wargayskaas.

Xubnahani Waxay Cod Dheer ku sheegeen inaanu Jirin Wax Madax banaani Garsoor ah oo Somaliland ka Jirta iyagoo Xukuumadana ku eedeeyay inay Faragalin toos ah ku hayso Laamaha Garsoorka dalka.

Waxaa kale oo ay Xubnahani Su’aal Hal Xidhaale ah Weydiiyeen Bah’da Garsoorka oo ay Sheegeen inay Ka Jawaabaan inuu Madaxweynuhu bishii siiyo lacag gaadhaysa Midkiiba Shan kun oo dollar.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALADA QAREENADA IYO XUQUUQUL IINSAANKA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Garsoorayaal11M.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed