Waaran Qabasho oo Maareeyihii Warshadda Laydhka Suuqa Loo Geliyey & Jawaabta uu Ka Bixiyey Weli Xaawo
Hargeysa April 03,2013 (SDN/Hubaal) – Warar aan sugnayn oo Suuqa soo galay shalay ayaa tibaaxay in Maxkamadda Gobolka Hargeysa ay Waaran Qabasho ah u soo jartay Maareeyihii Hay’adda Korontada Hargeysa Axmed Maxamed Aadan (Weli Xaawo), kaasi oo la sheegayinuu salka ku hayo warbixintii guddidii Wasiir Xaabsade hor-boodayay ka soo gudbiyeen talo bixintii Madaxweynuhu u igmaday, taas oo la sheegay in hanti-dhawraha guud iyo wasiirro kale xubno ka ahaayeen.
Guddidan oo Maareeyaha ku Eedeeyey Musuq-maasuq iyo dabacsanaan maamul inuu ku kacay isla markaana Madaxweyne Siilaanyo oo in muddo ah aamusnaan ku daawanayay weerraro iyo difaac labada dhinaca warbaahinta isu marinayeen ayaa Madaxweynuhu habeen hore warqad shaqo ka joojin ah u soo qoray Mr. Weli Xaawo, isaga oo taageeray warbixintii Guddida.
Haddaba Maareeyihii Hay’adda Korontada Hargeysa Axmed Maxamed Aadan (Weli Xaawo) oo xalay Wargeyska Hubaal wax ka weydiiyey Waaranka la sheegay in loo soo jaray qabashadiisa oo xeer ilaalintu kasoo dalbatay Maxakamadda Gobolka ayaa dhiniciisa ka iska leexiyey waarankaas, isagoo si taxadir leh jawaab kooban uga bixiyey “Suuqa waan ka maqlayay laakiin anigu maan arag waaranka la sheegayo la iimana keenin ayuu Mr. Weli Xaawo u yidhi.
Wali Axmed Xaawa, ayaa mudo ka badan afar bilood ah Fasax kaga jiray Shaqada Wakaalada Korantada Hargeysa, waxaana maamulka Wakaalada la wareegay Guddida Wasiirka Hawlaha guud hor joogaha u yahay. Kuwaas oo Maareeyaha dusha u saaray kiisna uga dhigay deyn gaadhay Lix Boqol oo Kun oo Dollar oo wakaaladda kaga maqan dawladda dhexe iyo Hal milyan oo doolar oo kale oo shacbiga lagu leeyahay.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com