|

“Waar Waxa la yidhi nimankii Waddani ee Shefield wixii ay dedaaleen raxan wasiiro ahbaa dusha kaga degtay ” Muj Cali Guray

London 02.April 2014 (SDN)- Gudoomiye ku -xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID  mujaahid Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray),ayaa  ku tilmaamay Wasiirradii Xukuumadda Somaliland ee tegay magaalada  Shefield oo maanta  golaheeda deegaaku cod u qaadayaan aqoonsiga Somaliland ku tilmaamay qaar mijo aan kala garanayn Qarannimada iyo mucaaradada..

cali Guray Mujaahid Cali Guray waxa uu Wasiirada ka tirsan xukuumada maanta goob jooga ka ahaanaya codaynta golaha deegaanka Shefield ku tilmaamay kuwo duulaan ku qaaday hawl balaadhan oo ay soo  qaban qaabiyeen jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Shefield.

Mujaahid Cali Guray oo bartiisa Face-book ku baahiyey qoraal kooban oo uu arintan kaga hadlaya ayaa waxa uu tilmaamay inay wasiirada ka tirsan xukuumadu ay ka dul dageen waftigii ka socday xisbiga mucaaridka ah ee Waddani goob jooga ka noqonayey codaynta golaha deegaanka Shefield u qaadayaan aqoonsiga Somaliland waxaanu qoraalkiisa ku yidhi

“Waar Waxa la yidhi nimankii Waddani ee Shefield wixii ay dedaaleen raxan wasiiro ahbaa dusha kaga degtay oo tidhi ha u dhiibine ictiraafka la sheegayo, Waddani waa xisbi mucaarid ahe,Anaguu madaxweynuhu na soo diraye tuulo tuulo noogu dhiiba, colkii Waddanina waxay  ugu jawaabeen Waaba laxbaa lagaa yidhi” ayuu qoraalkiisa ku yidhi mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Guddoomiye kux-geenka Sadexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID.

London SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed