‘’Waar Ninka Leh Punt Land ayaan Madaxweyne Ka ahay Gaalkacayo oo uu u Dhashay ayaan Gacanta Ugu Jirin,Markaas haduu Cid la Talinayo Isaga Iyo Maamulkiisu ha Tashadeen,Anagu Xabaal Bilaash Ma Qodayno, Wada Hadalkuna Waxaan Filayaa inuu Midho Dhalo…’’ Hogaamiyaha Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh
Hargaysa 20. June 2017 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa Sheegay in Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Punt Land aanay Wax Shaqo ah ku lahayn Deegaanada Sool,Sanaag Iyo Buuhoodle Waxaanu Xusay in Madaxweyne C.weli Gaas aanu gacanta ku hayn Magaaladda Gaalkacayo ee uu u dhashay.
Prof Cali Khaliif Galaydh Waxaa Kale oo uu Ka Hadlay Xiliga ay Filayaan Inuu Midho Dhalo Wada hadalka u Socda Maamulkiia Iyo Xukuumadda Somaliland Waxaanu Sheegay in Wada xaajoodyadu Meel wanaagsan Marayaan Isla Markaana aanu Wel Wel ka hayn Hadii Wada hadaladan ay u dhan Yihiin Reer Somaliland Muxaafid Iyo Mucaarid Inkasta oo uu Hoosta ka Xariiqay inay arrintu Weli tahay Gacan Uur Ku Jirta Maadaama la eegayo qabsoomida Doorashada Madaxtooyadda Somaliland ee ku astaysan Bisha November Iyadoo Wixii Qabyo ka Noqda Wada Hadaladan lala Sugi doono Sida uu Yidhi Doorashada Kadib Iyo Cidii soo Baxda Murashixiinta Sadexda ah ee Tartamaysa.