“Waar Dilka Fuliya oo ninka nin u kas u dilaa Nabadgelyaduu waxyeelayaa oo…….”Sheekh Aadan Siiro
Hargeysa:Sep,27,2014(SDN/QJ)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamud Siiro, ayaa ka Hadlay Dilkii Dhawaan deegaanka Qorilugud loogu geystay Saraakiil kamid ahaa Ciidanka qaranka Somaliland.
Sheekh Aadan, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay saraakiishaas la laayey, waxana uu soo jeediyey in dilalka noocaas oo kale ah laga hortago.
Sheekhu waxa uu tilmaamay in xukuumadda iyo dadka caqliga lehba u midoobaan waxka qabashada dilkaas,
“Islaamku waa la dagaalamay qof muslim ah in la dilo sabab la’aan, waxanau aad u cambaaraynaynaa Dilkaas ka dhacay bariga, sida uu u dhacayna waa shay aad u qaldan xukuukmadda iyo dadka caqliga lehna waxa looga fadhiyaa inay go’aan adag ka qaataan oo aanu dib inoogu soo noqon” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
Aadan Siiro, waxa uu ugu baaqay xukuumadda inay dil ku fuliso dadka dilal badheedhka ah geysanaya oo aanay oggolaan in maq si dhibyar loo kala qaato, waxana uu yidhi,
“Xukuumada waxanu ugu baaqaynaa iyo dadka reer Somaliland-ba waar Dilka Fuliya oo ninka nin u kas u dilaa Nabadgelyaduu waxyeelayaa oo mustaqbalku wax yeelayaa, ilaahay baan sidaas yidhi.”
Sheekh Aadan siiro waxa uu ugu dambayntii soo jeediyey in talo midaysan laga yeesho cidkasta oo dhibaato ku ah nabadda iyo deggenaanshaha dhulka Somaliland, waxana uu xukuumadda si gaar ah ugu boorriyey inay horsed ka noqoto tallaabooyinka arrimaha Noocan oo kale ah lagula dagaallamayo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com