|

Waar Cadowga Ciidanka OPU ee 520-ka askari lagu qiyaasey lagula Dagaalamay​aa Xoog badanaa? Waxaan leeyahay Xukuumada waxaa ka horeeya Xeerarkii lagu dhiqi lahaa iyo xeerarkii shidaalka oo qabyo ah

Dastuurka JSL wuxuu qeexayaa in ay jiraan oo keliya sadex ciidan oo qaab dhismeedkooda iyo waajibaadkoodaba ay xeerar dastuuri ahi ay qeexayaan oo uu nidaaminaayo waxaana ay kala yihiin noocyada Ciidamada JSL  ka dhisani sidan;
1- Ciidanka Booliska oo uu xil ka saaran yahay ilaalinta nabadgelyada iyo dhaqan gelinta xeerarka dawlada , waajibaadka saarana xeer dastuuri ah ayaa qeexaaya oo ay raacayaan.
2- Ciidamada Asluubta wuxuu xil ka saaran yahay haynta,ilaalinta, toosinta iyo akhlaaqda maxaabiista dalka jeelashooda ku jirta , qaab-dhismoodkooda iyo waajibaadkoodana xeer daalacan oo dastuuri ah ayaa qeexaaya.
3- Ciidanka Milateriga ee qaranka oo uu xil ka saaran yahay Difaaca dalka, madaxbanaanida dalka iyo sugida xuduudaha dalka,qaab-dhismoodkooda xeer dastuuri ah oo cad ayaa qeexaaya.

Dastuurka qaranka qodobkiisa 123-aad faraqadiisa 2-aad wuxuu leeyahay ciidanka qaranku waxay had iyo jeer u-hogaansamayaan oo tixgelinayaan dastuurka qaranka iyo xeerarka dalka uyaala. Hadaba Su’aashu qarnigu waxay tahay Ciidamada OPU,RRUCTUSTU, xeerarkee ayey uhogaansamayaan oo dabraaya, ama xakameynaaya gaar ahaan Ciidankan cusub ee la magac baxey Oil Protection Unit (OPU) kuwaas oo loogu talo galey in ay ilaaliyaan nabadgelyada shirkadaha ajanebiga ah ee sahaminta shidaalka iyo macdanta JSL ku duugan dhawaan ka bilaabi doona.

Waxaa dawlad lagu yahay in qaanuunka iyo sharciyada dalka uyaala  lagu dhaqmo oo la isku ixtiraamo oo la ilaaliyo.Hadii ay ciidamadaa OPU-du  ay cagta mariyaan oo ku dur-duriyaan shacabka degaanadaa shidaalka leh illaahay ku abuurey iyo xoolahooda, xeerkee iyo sharcigee ayaa udamaanad qaadaaya? marka ay dhul daaqsimoodkooda ay xooluhu udaaqaan cagafta iyo cagta la mariyo ee iyagana siigada iyo sufurta lagu saydho  sharcigee iyo xeerkee ayey marti uga yihiin dhibkaa iyo xaalufintaa degaankooda iyo xoolahooda ka soogaadhaaya shirkadaha sahaminaaya shidaalka. Ciidamadan OPU Abuuristooda Waxaan u-arkaa Xaaraan hadii aan loo sameyn xeerar Bireysan oo Xalaal ah iyo Qodobo Dastuuri ah oo ay Golayaasha Sharci deginta la hordhigo si ay u  ansixiyaan.
Dastuurka Dalka : Xubinta 1-aad, Qodobkiisa 1-aad, Faraqeeda 2-aad ee Dastuurka  Qaranka JSL , wuxuu mar kasta uu siinayaa shacabka JSL mudnaanta koowaad iyo awooda koowaad iyo sharafta iyo karaamada dawladnimo, sidaa daraadeed waa in Dastuurka Qaranka sidiisa loogu dhaqmaa oo la ixtiraamaa waqti kastaba.Lana siiyaa tixgelinta koowaad ee Dastuurku siiyey shacabka degan Goobaha loo dhibi-lisanaayo ee shidaalka lagu tuhunsan yahay.  Hadii Xukuumadii noqotey Xukuumad ka aradan qawaaniinta caalamiga ah ee sharciyada shidaalka oo aaney wax sharci shidaal ah (Petroleum and Gas law ) aaney laheyn, heshiisyadu waxay noqonayaan qaar aan adkeyn oo booli ah sida marxaladan hada wadanka ka taagan ee noqotey ” Shirkadow Qaata aan Qaatee iyo Kula lihi oo kaa lihi” Taas oo weliba laga baryayaa kii wasiir ahaa qaadateye wixii alleh kuu calfaye bal hambada yar  sharciga soo mari.
 Qarankan yar ee raad qaadka ah ee ragaadey ee ay baahiyaha  badani is barkan yihiin uma baahna in Wasiir gacan ku rimiska iyo gacan wadaaga yaqaana oo saaxiib la ah Dilaalnimada in uu ukala dabqaado shirkadaha shidaalka baadha iyo Xeyndaabka madaxtooyada ka dibna uu  baabiiyo oo ku tunto  shuruucdii dalka utaaley, kaas oo weliba uu ku caan baxey in uu ka war-wareego Hayadihii shaci dejinta ahaa si ay wax uga ogaadaan heshiisyada shirkadaha shidaalka lala galey ee aan bireysneyn si ay mididida umariyaan oo uxalaaleeyaan ka dibna u-ansixiyaan maadaama ay shaqadooda Dastuuriga ah tahay in ay xeerarka  iyo xeegaanada  loo sameeyey u-naaxiyaan  kadibna u-ansixiyaan. Ciidamada OPU waxay ubaahan yihiin sharci Dastuureed lagu maamulo kaas oo ufududeyndoona una ogolaan doona in ay shaqadooda si xalaal ah ugutaan dalkana uga hawlgalaan.Hadiise sharcigaa la waayo oo xeerar loo sameyn waayo oo baarlamaankuna u-ansixin waayo, Waxay Ciidamadaa Oil Protection Unit ( OPU ) ay noqonayaan qaar Xaaraan ah oo sharci daro oo  fawdo iyo fidno hor leh degaanka ka abuura..
Waxaa iyana khatarteeda iska leh habkii iyo nidaamkii loo soo xuli lahaa Ciidamadan OPU-da , iyada oo maanta shacabka JSL ay ka wada dheregsan yihiin in Xilalka banaan iyo Qandaraasyada la iclaamiyo in habeenkii loo soo gur-guurto oo ay xukuumadani ku caanbaxdey shaqsi jecleysi , qaraabo kiil iyo Taajir wasteysi, iyada oo iyana laga wada dheregsan yahay wixii kal hore ka dhacey goobihii shidaal baadhista sidii foosha xumeyd ee loo maamuley Qandaraasyadii, shaqaalihii hoose iyo Gaadiidkii ka hawlgelaayey goobihii shidaal baadhista ayaa maantana halkii wax laga sixi lahaa ee xeerar wax kala haga la curin lahaa ay Xukuumadii Fidno badan Faan jecel ay ciidan gaar ah oo OPU lagu magacaabey lagu dhisayaa Aduun gaadhaaya ilaa iyo $ 25 Million oo Dollar, Waxaa wax garadka JSL ee fogaan araga ihi isweydiinayaan ” Waar Cadowga Ciidanka gaadhaya 520 askari lagula dagaalamaa Xoogweynaa ?
Guntii iyo Gebagebadii waxaan xildhibaanada la baalmariyey ansixintii qandaraasyada shirkadaha shidaalka ee tirada beelay aan leeyahay ha kala socdaan oo haka akhristaan sida qurbe-jooga arimaha shirkadahan sahaminta shidaalka  Jaraa’idka ka soo baxa Sub-sahara Africa ee loo yaqaano ” Petroleum, Economics and Policy Solutions”.Danta guud ee qaranku waxay ku jirtaa mar kastaba in kontaraatyada shirkadahaa la soo mariyo Golayaasha Wakiilada si ay unaaqishaan oo muraadkooda dastuuriga ah uga gutaan.

Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Qoraa-Madaxbanaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

Comments are closed