“Waad Ogtihiin Mansabyada somaliland Beesha dhexe ayaa isku taxday, Haddii aynu doonayno inay somaliland Somaliland Noqoto waa inaynu Kuraasida uga degnaa Dadka kale.”Jamaal Cali Xusen.
Hargeysa:Jully,11,2015(SDN/QJ)-Jamaal Cali Xuseen oo ah Musharraxa Jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga Ucid, ayaa shaaciyey in baahi weyn loo qabo sidii Xilalka muhiimka ah ee Dalka loo siin lahaa, isla-markaana meesha looga saari lahaa Tuhunka ah in cid gaar ahi kuraastii muhiika ahayd cuuratay.
Aqoonyahan Jamaal oo ka Hadlayey madal Dallada Sonyo soo qabanqaabisay oo ka caagganayd siyaasadda, balse markii dambe la isku xadhko goostay, ayaa ku kaftamay in Ballamaha ka tegidda arrimaha siyaasiga ahi aanay shaqaynin, “Intay na khiyaameeyaan oo ay yidhaahdaan waxba ha odhanin madal siyaasi ah ma ahee ayey haddana xagga dambe nooga jawaabaan, maanta waxa halkaas ka dhacaya waad arkaysaan oo taariikhdu waa in wax laga barto, balse ma aha in buugaag laga qoro oo kali ah.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Jamaal waxa uu ka digay in Xilalka muhiimka ah si gaar ah loogu taxo Xubno Beesha Dhexe kasoo jeeda, waxana uu xukuumadda ugu baaqay in aragtida sheegaysa in Beelihii Darafyadu meesha ka maqan yihiin meesha laga saaro, waxana uu yidhi,“Dalku waxa uu ku horumaraa marka ay madaxdiisu daacad tahay ee ay aragti leeyihiin, sida uu sheikh aadan sheegayna annagu waxanu taageersanahay somaliland mid ah, somaliland-na yaanay noqonin meel ay besha dhexe kaligeed isku taxdaye waa inay noqotaa meel la wada leeyahay waana wixii laga dagaallamay shalay xaqdarraynu ka dagaallamaynay maantana waad ogtihiin Mansabyada somaliland Beesha dhexe ayaa isku taxday, Haddii aynu doonayno inay somaliland Somaliland Noqoto waa inaynu Kuraasida uga degnaa Dadka kale.”
Jamaal oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in loo baahan yahay in qaladaadka dhaca wax laga barto, isagoo hadallada mucaaridka iyo muxaafidku isdhaafsanayaana ku sheegay wax loo baahan yahay,
“Ma aha in la yidhaahdo niman wada ilmaadeer ah baa meel walba haysta, qaladaadkii dhacayna waa inaynu wax ka baranaa. Mucaaraddadu ma aha dagaale way wanaagsan tahay, haddii la kala aamusana dhibaato weeye, dadkuna yaanay moodin in dagaal lasoo wado.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com